Deni oo Dhex Dhexaadinaya Dowladda Dhexe Iyo Jubbaland

0
Friday October 18, 2019 - 11:12:56 in by salman abdi
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni oo Dhex Dhexaadinaya Dowladda Dhexe Iyo Jubbaland

    Deni oo Dhex Dhexaadinaya Dowladda Dhexe Iyo Jubbaland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deni oo Dhex Dhexaadinaya Dowladda Dhexe Iyo Jubbaland

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabulaahi Deni oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeye dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland iyo xaalada amni ee magaalada Kismaayo.

Ugu horeyn Saciid Deni ayaa ka hadlay amniga magaalada kismaayo, waxaa uuna sheegay in magaalada kismaayo ay tahay meel nabad ah,balse uu culeys ka heysto magaaladaasi badda, dhulka iyo cirka.

Madaxweyne Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay ka qeb-

qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka Jubbaland.

Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay inuu wado dadaal ku aadan sidii loo dhameyn lahaa Khilaafkan oo sida uu sheegay saameeyay shaqadii loo hayay Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carabka ku goday inuu bilaabay dadaaladiisa.

"Puntland waxaa ay diyaar u tahay inay maamul goboleedyada oo dhan inay garab istaagto sida aad horay u ogeydeen,doorweyn ayaana ka qaadaneynaa,waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan sigaar ah kan u dhaxeeya dowladda & jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo balse an miisan ku laheyn Kismaayo ayuu yiri” Siciid Deni.

Waxaa uu sheegay Deni in Puntland ay mar walba horseed u tahay howlaha federaalka ee socda,isla markaana cid kasta oo diidan wixii ka dhacay Kismaayo ha ahaato dowladda Federaalka iyo kuwa kale ee ku sugan Kismaayo inay diyaar u yihiin inay isku soo dhaweeyaan.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa imaanayo xilli weli uu taagan yahay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladda Federaalka & Maamulka Jubbaland taas oo xoogeysatay, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe.