Wasaaradda Duulista oo Abaalmarino siisay Qaar ka mid ah Shaqaale Muujiyey Dedaal Badan Xilliyadii Xajka iyo Xagaaga ee Madaarku Mashquulka aha+SAWIRO

0
Sunday October 19, 2014 - 19:22:24 in by salman abdi
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Duulista oo Abaalmarino siisay Qaar ka mid ah Shaqaale Muujiyey Dedaal Badan Xilliyadii Xajka iyo Xagaaga ee Madaarku Mashquulka aha+SAWIRO

    Munaasibad balaadhan oo shahaado sharaf lagu gudoonsiinaayey shaqaalaha madaarka cigaal international airport, ayaa maanta lagu qabtay xarunta madaarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad balaadhan oo shahaado sharaf lagu gudoonsiinaayey shaqaalaha madaarka cigaal international airport, ayaa maanta lagu qabtay xarunta madaarka.

shahaado sharaftan lagu maamusay qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala madaarkaas ayaa looga gollahaa, in lagu dhiiri galiyo firfircoonidii iyo hawal karnimadii ay muujiyeen, wakhtigii xagaaga iyo mawsimkii xajka.

Munaasibadan oo si weyan loo soo Agaasimay ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar C/Laahi Aadan, Taliyaha Laanta socdaalka Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), iyo Agaasimeyaasha Waaxaha wasaarada iyo madaxda qaybaha madaarka.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay oo faafaahin ka bixiyey ujeedada munaasibadaasi Maaamulaha Madaarka Cigaal International Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxaanu yidhi " ujeeedada munaasibadani aynu ka leenahay waa in aynu u mahad celino dhamaan hawl wadeenada kala gadisan ee madaarka Cigaal, dadaalkii ay muujiyeen iyo hawl karnimadii ay la yimaadeen wakhtigii aynu ku jirnay Xagaaga iyo mawsinkii Xajka, wakhtiyadaasi oo uu madaarku u adeegay dadweyne tiro badan, dhamaan shaqaalaha kala duwan ee madaarku way wada shaqeeyeen oo way ku mahad sanyihiin sidii ay waaajibkooda u guteen, balse waxa aynu maanta halkan ku xusaynaa oo aynu shahaado sharaf ku gudoonsinaynaa hawal wadeenadii dadaalka dheeraadka ah muujiyey ,oo aynu leenahay dadaalka sii laban laaba kuwa kalena waxanu leenahay soo hiigsada .”

Waxaa isaguna halkaasi hadalo dhiirigalina ka jeediyey Taliyaha Laanta Socdaalka Gashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf, isagoo bahda wasaaradda duulista ku amaanay dadaalka ay muujiyeen, dhamaan hawalwadeenada kale gadisan ee madaarka ku dhiirigalyey in ay sii labanlaabaan dadaalkooda.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isgu soo gunaanaday munaasibaasi ayaa yidhi " faraxad weyn ayey ii tahay in aan idinkala soo qayab galo munaasibadan qiimaha leh, ee laydinku dhiirigalinayo, madaarkeena oo aynu horumarkiisa iyo wanaagiisa ka shaqaynaa waxa ay guul u tahay guud ahaan qaranka Somaliland.

" Madaarkeena oo horumaraa wuxu sare u qaadayaa dalxiisayaasha dalka imanaya iyo dhaqaalaheena, maanta diyaarad caalami ah waxa inoo timaada Ethiopian Airline oo kali ah, si ayanu kuwa kale u kasbano waa in aynu xaqiijinaa Amaanka iyo badqabka madaarkeena, idinkuna hadaad shaqaalaha tihiin waa in aad shaqada aad haysaan dardar galisaan, waana in aad ogsoonaataan inaynu madaarka madaarada gobolka ku dhererinayno.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in Afartii sano ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay jirtay ay Madaarka Cigaa la samaysay is badal muuqda waxaanu yidhi " Xukuumadan Madaxweyne Axmed Siilaanyo intii ay tallada haysay is badal weyn ayey madaarkan ka hir galisay, Cigaal International Airport iyo dadka ka shaqeeyaa midna sidan muu ahaan jirin, Xukuumadanina waa xukuumadii is badalka iyo Waxqabadka, waxaa ka markhaati kacaya intaas oo dhalinyaro ah oo labeen ah, oo maanta madaarkii qurxiyey faana maaha taasi, madaarku hore wuxu u ahaan jiray goob lagu Qayilo, ma lihin waxba lagama qaban jirin lakiin meeqaamkii uu joogay aad ayuu u hoosaysay, Qarankuna waa qori isu dhiib, maantana waad arkaysaan halka uu joogo, geeska Afrika waxa kali aha oo inaga horeeya madaarada Adisababa iyo ka Nayroobi, kuwaasna waynu hiigsanaynaa, waynu gaadhi karnaa, waanaynu dhaafi karnaa.”Ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa waxaa shahaado sharafeedyo lagu gudoonsiiyey xubno ka kala tirsan hay’adaha kala duwan ee ka hawl gala madaarka, sida shaqaalaha Wasaarada duulista hawl wadeenada hay’adda Laanta Socdaalka, shaqaalaha kastamka, shaqaalaha hay’adda NASHA, xubno ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo dhamaantood lagu amaanay hawl karnimadii ay muujiyeen wakhtigii shaqada.

 


By. Xafiiska xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee W/Duulista Iyo Hawada JSL