Taliska Booliiska oo sheegay in la xiray Askar ku sugneyd Barkootarool oo xalay lagu dilay taliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka

0
Saturday October 19, 2019 - 14:36:07 in by salman abdi
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliiska oo sheegay in la xiray Askar ku sugneyd Barkootarool oo xalay lagu dilay taliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka

    Taliska Booliiska oo sheegay in la xiray Askar ku sugneyd Barkootarool oo xalay lagu dilay taliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Booliiska oo sheegay in la xiray Askar ku sugneyd Barkootarool oo xalay lagu dilay taliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray dhamaanba askartii ku sugneyd Bar-Koontarool oo ku taala meel aan ka fogeyn Hotelka Naasa-Hablood oo ku eedeysan in ay danbeeyeen dil xalay loo geystay taliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

Jen Zaki Xusseen oo ah ku-xigeenka taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegtay inxabsiga loo taxaabay dhamaanba Askartii joogtay Koontaroolka falku ka dhacay kuwaa oo baaritaan lagu sameyn doono.

 

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Madaxeey Saleebaan ayaa ahaaTaliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsanaa ciidanka xoogga dalkaa,waxaana uu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii ay dowladda ku qabsatay degmada Awdheegle.

Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale is rasaaseyn dhaxmarata isla ciidamada dowladda lagu dilay saraakiil iyo Askar ka tirsan laamaha kala duwan ee Amaanka dowladda Soomaaliya, iyadoo marar badan dowladda digniin ka soo saartay dagaallada dhaxmara qeybaha kala duwan ee ciidamada.