Kenya oo shaacisay shaqsiga Al-shabaab u qaabilsan weerarrada Xadka

0
Saturday October 19, 2019 - 14:40:28 in by salman abdi
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo shaacisay shaqsiga Al-shabaab u qaabilsan weerarrada Xadka

    Kenya oo shaacisay shaqsiga Al-shabaab u qaabilsan weerarrada Xadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya oo shaacisay shaqsiga Al-shabaab u qaabilsan weerarrada Xadka

Booliiska la dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya ayaa aqoosaday shaqsiga Al-shabaab u qaabilsan weerarrada xadka, gaar ahaan weerarkii lagu dilay 11 Askari ee horaantii bishan ka dhacay duleedka Libooyo.

 

 

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Abdullaahi Banati ayeey ku sheegeen lamaha la dagaalanka Argagixisada in uu yahay maskaxdii ka danbeysay weerarro dhowr ah oo ka dhacay xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

 

''Ciidamadu waxey ku raadjoogaan sarkaalkan lagu magacaabo Banati iyo maleeshiyaadkii kale ee gacanta siinayay waxeyna u badan tahay in ay u baxsadeen dhinaca Soomaaliya;' ayeey sheegeen saraakiisha hay'addaha Amniga ee soo saaray Warka arintan ku saabsan.

Waxaa la sheegay in uu Al-shabaab ku biiray sanadkaii 2012ka, isaga oo qeyb weyn ku lahaa weerar lagu qaaday xerada Baure oo ay degnaayeen ciidamada Kenya sanadkii 2015kii.