Hub iyo Saanad militari oo laga dajiyay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

0
Sunday October 20, 2019 - 13:15:30 in by salman abdi
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hub iyo Saanad militari oo laga dajiyay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

    Hub iyo Saanad militari oo laga dajiyay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hub iyo Saanad militari oo laga dajiyay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa ay gaareen Doomo siday hub iyo saanad militari.


Dad ku sugan degmada Hobyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay arkeen Doomo laga dajinayo hub culus kuwaa oo lagu qaaday gaadiid ay ku mid yihiin kuwa dagaalka.

 

Inkastoo dowladda Federaalka aysan si rasmi ah uga hadlay hubka la sheegay in ay geysay degmada Hobyo, ayaa haddana dhinaca kale warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in loogu talagalay ciidanka qeybta 21aad ka sugan deegaannada Galmudug, kuwaa oo qaarkood  dhawaan tababar loo soo xiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidano faro badan oo qaarkood laga keenay gobollada dhexe geysay degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta ah maamul gobolleedka Galmudug, oo sidoo kale dhawaan la filayo in uu ka furmo shirweynaha dhismaha Galmudug.