Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo la la'yahay kaddib markii ay la degtay Doon ay la socdee

0
Monday October 21, 2019 - 10:13:52 in by salman abdi
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo la la'yahay kaddib markii ay la degtay Doon ay la socdee

    Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo la la'yahay kaddib markii ay la degtay Doon ay la socdee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo la la'yahay kaddib markii ay la degtay Doon ay la socdee

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay Doon ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku degtay xeebta Bari magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose,

 

 

Askartan oo la sheegay ay ka tirsanaayeen qeybta 14 October oo ka degay magaalada Muqdisho ayaa doonayay in ay Doon ku gaaraan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose hasse ahaatee intii aysan gaarin ay la degtay Doontii ay la soceen.

 

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 5 Askari lagu la 'yahay Badda, halka la soo badbaadiyay taliyihii watay ciidanka oo magaciisa lagu sheegay Xidigle Cismaan Muuse iyo 12 Askari.

Doonta oo xalay degtay ayaa wali waxaa soconaya baaritaanno lagu baadi-goobayo Askarta lagu la'yahay Biyaha Badda iyadoo Askarta Maqan Labo ka mid ah magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Muxuyidiin iyo Askari magaciisa lagu soo koobay Feynuus.

Ma jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Laamaha Nabad-galyada dowladda Soomaaliya oo la xiriira Askartan la sheegay in lagu la'yahay biyaha xeebaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.