Doorashada Canada oo Isniinta maanta ah dadku codadkooda dhiibanayaan

0
Monday October 21, 2019 - 10:23:00 in by salman abdi
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Canada oo Isniinta maanta ah dadku codadkooda dhiibanayaan

    Doorashada Canada oo Isniinta maanta ah dadku codadkooda dhiibanayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Canada oo Isniinta maanta ah dadku codadkooda dhiibanayaan

Dadka reer Canada ayaa maanta oo isniin ah codkooga ka dhiibanaya doorashada guud ee dalkaasi oo la filayo in ama ay mar kale dib ugu soo doortaan xisbiga ra'iisalwasaare Justin Trudeau.

 

Ka dib markii si lama filaan ah uu ku guuleystay xukunka dalkaasi muddo haatan laga joogo afar sano ayaa ra'iisalwasaare Justin Trudeau oo haatan 47 sano jir ah, waxa uu mar kale doonayaa in dib loo soo doorto xisbigiisa Liberal ee ay siyaasaddiisu furfuran tahy.

Trudeau ayaa fuliyay qaar badan oo ka mid ah ballanqaadyadiisii hore sida in uu sharci ka dhigi doono isticmaalka maandooriyaha Xashiisha ee dawo ahaanta loo qaadanayo iyo in kharash ku bixiyo daryeelka dhallaanka dalkaasi.

Hasayeeshee wuxuu ku guuldareystay mararka qaar in nidaamka dalka ka jira uu u raaco sida ay tahay, waxaana dhawr jeer uu goradda la galay muran ka dhashay safarro uu ku tagay dalka India iyo go'aanno masiiri ah oo uu qaatay.

Waxaana haatan doorashadan loo arkaa afti kalsoonida lagu siinayo ama lagala noqonayo ra'iisalwasaare Trudeau.

 

Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, Andrew Scheer, ayaa ah ninka haysta fursadda ugu wanaagsan ee xukunka kala wareegi kara ra'iisalwasaare Trudeau balse ninkan oo 40 sano jir ah ayaanan shacbiyad badan lahayn, waxana si kedis ah uu sanadkii 2017 ku noqday musharaxa xisbigan.

Dadka kale ee tartankan ku cusub wax aka mid ah Jagmeet Singh oo isagana 40 sano jir ah isla markaana ah musharraxa xisbiga NDP. Jagmeet ayaa hoggaanka xisbigaasi qabtay muddo haatan laga joogo laba sano, waxaana xisbigiisa uu dhibaato kala kulmayay sidii uu dhaqaale ku heli lahaa maadaama saddex meelood hal meel xubnihii xisbigaasi ay ka hareen tartanka.

Arrimaha la xiriira dhaqaalaha dalka iyo deegaanka ayaa sidoo kale hareeyay doorashadan.

Dhaqaalaha dalkaasi ayaa muujinaya xogaa kobac ah halka heerka shaqo la'aanta ay haatan ku dhowdahay heerkii ugu hooseeyay taariikhda dalkaasi balse arrimahaasi oo dhan dadka uma sinna.

Xubnaha xisbiga Liberal-ka ayaa ku faanaya guusha ay ka gaareen in qiyaastii 278,000 oo caruur ah ay ka soo saareen saboolnimo, sida lagu sheegay xog ay daabacday dowladda.

Xisbiga Conservative-ka ayaa aad diiradda u saaraya arrimaha la xiriira mustaqbalka dhaqaalaha dalkaasi.

Xog uruurin la sameeyay dhawaan ayaa lagu ogaaday in labada xisbi ee Liberal-ka iyo Conservative-ka ay aad isugu dhow yihiin balse waxaa sidoo kale jirtay in shacbiyaddooda ay labaduba hoos u sii dhaceysay.