"Maayarka waxaan leeyahay ninna ha baryin cidna waxba kaa qaadi mayso e hawshada Wado,Xildhibanada Waxan..."Suldan M C/qadir

0
Monday October 20, 2014 - 08:40:21 in by salman abdi
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maayarka waxaan leeyahay ninna ha baryin cidna waxba kaa qaadi mayso e hawshada Wado,Xildhibanada Waxan..."Suldan M C/qadir

    Suldaanka Guud ee Reer Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Maayarka Hargeysa ku amaanay waxqabadkiisa mudaddii uu joogay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaanka Guud ee Reer Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Maayarka Hargeysa ku amaanay waxqabadkiisa mudaddii uu joogay,

isla markaana Xildhibaanadda golaha deegaanka ku canaantay inay khalkhal galiyaan habsami u socodkii hawlihii loo soo doortay.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa  ku booriyey Maayarka in aanu ku mashquulin xildhibaanadda, isla markaana aanay shacabku ogolayn inay ridaan Maayarkan mudadda gaaban wax badan ku qabtay, isagoo xildhibaanadda isku deegaanka ka soo jeedaan Maayarka ku booriyey in haddii ay isku dayaan inay isku bedelaan aanay suurogal ahayn inay mar kale isla dad deegaankoodu maayar noqdaan ee beelaha kale jaaniskaasi ka faa’iidaysanayaan.

Ugu horeyn Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo warbaahinta la hadlayey waxa uu yidhi "Waxaan idinku yeedhay (Saxaafadda) maalmahan dambe waxa dhaqdhaqaaq ka socday dawladda hoose ee Hargeysa, waxaan leeyahay dadka Golaha deegaanka reer ma dooran, ee waxay ka kooban yihiin dhammaan deegaanka reer Somaliland oo dhan weeyi codkoodii oo dadkii ay siiyeen soo baxeen, sidaa darteed waxaan leeyahay xildhibaannadu ha ka foojignaadaan waxan ay wadaan, muddo gaaban ayuu maayarku shaqaynayey wax qabadkiisa waa la arkay oo wax la dafiri karo maaha, kolay qofku beel buu ka dhashaa, maayarkuna beel buu ka dhashay ragga ay isku beesha yihiin ee hawshan wadaa waxaan leeyahay dib u joogsado oo idinku kaligiin maayarnimo ma lihidine, waxaad ogaataan in haddii maayarkaasi ridaan aydaan maayar dambe noqon doonin oo beelaha kale idinla tartamayaan, taasina waa jaaniska aad bixisaan, waxaan leeyahay beesha uu ka soo jeedo maayarku ragga ay ka soo wada jeedaan arrimaha aad wadaan ka joogga, haddii kale anaga uun baa isa soo xayd xaydi oo iman doonno, intii uu Jiciir hayey in leeg ilaa uu hayo cidna ka yeeli mayno inuu arrin kale u dhigo, mudadii uu Jiciir hayey inleeg ama ka badan ayuu haynayaa”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa ku waaniyey xildhibaanadda in aanay wada maayar noqon Karin ee kii illaahay u qoray uun u daba fadhiistaan, waxaanu yidhi " dee shan iyo labaatankiina xildhibaan haddii aad wada maayar noqotaan dee heli maysaan, maayarkana waxaan leeyahay ninna ha baryin cidna waxba kaa qaadi mayso hana ku mashquulin iyaga ee hawshaada kale waddo, maadaama oo aad adigu tahay maayarkii maayarada Somaliland waxa inaad hawshaada iyo waxqabadkaagu  ku mashquushid, xafiiskaaguna yaanu noqon mid golaha deegaanku u soo sheeko tagaan, taas waxa ku lumay wakhtigii uu Jiciir hayey 25 ninba xafiiska uun bay joogi jireen, shan iyo labaatanka Maayar oo is wada ag fadhiya ayey ahaayeen, ninkii hunguri ka hayo inuu maayar noqdo anaga cidnaba ka ogolaan mayno  anaga raga kala naqaana ka wax qabanaya iyo ka kaleba, kaas ayey ummaddu dooratay, dadkan golaha deegaanku doorteen ma matalayo 25  xildhibaan oo kaliya ee wuxuu matalayaa ummadda oo dhan, haddii maamulku waayo kala dambeyna waxaa soo wadaan waa qas iyo buuq ka dhasha uun, taasna uma baahan umadda Somaliland, haddii aad jeceshaya in shacabku kalsoonidi idinkala noqdo waxaan aad wadaan ku sii socdda hadii kalena dib uga laabta waxan aad maalmahan bilowdeen ee kursi jecelka ileyn wada maayar noqon maysaanne nin buu ilaahay u gartee u daaya ninkaasi uun”.