Falaqaynta Kulanka West Brom VS Manchester United Iyo Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulankan.

0
Monday October 20, 2014 - 09:44:23 in by salman abdi
  • Visits: 1405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaqaynta Kulanka West Brom VS Manchester United Iyo Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulankan.

    Ka dib kulanka Hawthorns ee caawa, seddex ka mid ah afarta kulan ee soo socota ee ay United ciyaari doonto waa Chelsea, Manchester City iyo Arsenal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib kulanka Hawthorns ee caawa, seddex ka mid ah afarta kulan ee soo socota ee ay United ciyaari doonto waa Chelsea, Manchester City iyo Arsenal.

"I qiimeeya ka dib seddex bilood” ayuu ku dhawaaqay van Gaal markii uu yimid Old Trafford iyadoo markaas suulashiisa lugaha ay ka muuqdaan bacaadklii Brazil ee Koobka Adduunka.

Seddexdaas bilood haatan waa la soo dhaafay. Kaliyana seddex kulan oo tartan rasmi ah ayay badisay Manchester United. Sida bisha malabka ay noqoto mararka qaarna waa ay u aheyd xilli adag; waxaana si weyn loogu baahday lacag xoogan oo suuqa kala iibsiga la geliyo.

Inkastoo dad badan oo indha indheeya arimaha Man United ay durbaba la soo baxeen kaarkooda seddexda bilood ee LVG, waxaad ku doodi kartaa marka aad fiiriso kulamada u soo socda Man United bisha soo socota inay bixin doonto muuqaal dhab ah oo lagu garsoori karo macalinka reer Holland.

Ka dib kulanka Hawthorns ee caawa, seddex ka mid ah afarta kulan ee soo socota ee ay United ciyaari doonto waa Chelsea, Manchester City iyo Arsenal. Dhamaan seddexdaas kulan ayaa mid walba waxa uu noqon doonaa maalintii garsoorka.

 

 

man-utd-home-f151-817178_1600x900-e1413779754700

United ayaa  fasixii ciyaaraha caalamiga waxa ay ku qaadatay iyagoo ku jira afarta kooxood ee ugu sareeya Premier League, waana markii ugu horeysay ee booskaas lagu arko muddo ka badan sannad.

Guul ay ku gaaraan West Brom waxa ay la micno noqon doontaa guushii ugu horeysay ee garoon marti ah ee uu gaadho Van Gaal, kaasoo ilaa iyo haatan u safray Sunderland, MK Dons, Burnley iyo Leicester iyagoo aan wax guul ah ka soo gaarin.

Kulanka: West Brom v Man United

Garoonka: Hawthorns

Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika

MAXAA KA CUSUB?

Kabtanka West Brom Chris Brunt ayaa taam u noqon kara inuu wajaho Manchester United cawa inkastoo uu dhaawac gumaarka ah ku soo gaaray kulamadii heerka caalami.

Weeraryahan Victor Anichebe ayaa isna shaki uu ku jiraa isagoo dhibaato eerno ah qaba.

Kabtanka Manchester United Wayne Rooney ayaa ganaax ku seegaya kulankaan ka dib markii uu casaan toos ah qaatay kulankii West Ham.

Ander Herrera, Chris Smalling, Ashley Young, Phil Jones iyo Michael Carrick ayaa tababar qaadanaya mar kale waana ay ciyaari karaan haddii ay taam ahaanshahooda cadeeyaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

West Brom (4-2-3-1): Foster; Gambo a, Lescott, Dawson, Pocognoli; Gardner, Marrison; Dorrans, Sessegnon, Berahino; Ideye.

Man United (4-1-2-1-2): De Gea; Rafael, Rojo, Blackett, Shaw; Blind; Di Maria, Herrera; Juan Mata; Van Persie, Falcao.

MA OGTAHAY?

MA OGTAHAY?

  • Manchester United marnaba guuldarro Premier League ah kama soo gaadhin iyadoo ku ciyaareysa guriga West Brom. Sideed kulan ayay isku arkeen garoonkaas horyaalka Premier League, todoba ka mid ah waxaa badisay Red Devils halka kulanka kale uu ahaa barbaro.

  • Kaliya hal barbaro ayay galeen 18kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku kulmaan Hawthorns – barbaro 5-5 ah kulankii ugu danbeysay ee Sir Alex Ferguson uu tababare ahaa.

  • West Brom ayaa kaliya hal jeer kaga badisay Premier League kooxda Red Devils.    






Contact@afkashacabka.com