Dibadbaxayaal gubay Buug uu qoray Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

0
Thursday October 24, 2019 - 09:33:33 in by salman abdi
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbaxayaal gubay Buug uu qoray Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

    Dibadbaxayaal gubay Buug uu qoray Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibadbaxayaal gubay Buug uu qoray Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Wararka ka imanaya Bariga Itoobiya ayaa sheegaya in dibadbaxayaal careysan halkaa ku gubeen Buug uu qoray Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

 

 

Dadka isku soo baxay ayaa taageerro u muujinaya Ninka lagu magacaabo Jawar Mohamed oo madax u ah dhalinayarrada lagu magacaabo Qeerro ee rabashadaha dhiggaya.

 

Hoggaamiyahan ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ka kaxeysatay ciidamadii iilaalinayay gurigiisa, hasse ahaatee waxaa arintaan beeniyay saraakiisha Amaanka.

 

Ra'iisaal Wasaare Abiy oo lagu amaano isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana dhinaca kale waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi.

Booliiska Itoobiya ayaa waxaa ay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda.

Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaa,waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay " Abiy ha dhaaco." Gubidda buugga rai'sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar.

Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi.

Buugga ayaa waxaa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda Ra'iisal wasaaraha iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo.