Hoggaamiyeyaasha Asxaabta Siyaasadda Oo Aragtiyo Is-diidan La Hor Tegaya Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland Ka Caawiya Doorashooyinka

0
Monday October 20, 2014 - 11:49:11 in by Super Admin
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyeyaasha Asxaabta Siyaasadda Oo Aragtiyo Is-diidan La Hor Tegaya Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland Ka Caawiya Doorashooyinka

    Hoggaamiyeyaasha Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa shalay u amba baxay Socdaal ay muddo afar maalmood ah ugu maqnaan doonaan dalka Kenya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyeyaasha Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa shalay u amba baxay Socdaal ay muddo afar maalmood ah ugu maqnaan doonaan dalka Kenya,

 halkaasoo ay kula kulmi doonaan qaadhaan-bixiyeyaasha beesha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka iyo dhiiri gelinta Dimuquraadiyada


Weftigan waxa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo haysta laba xil oo ka turjumaya miisaanka siyaasaddeed ee dalka.


Cabdiraxmaan Cirro oo wariyeyaasha la hadlayay ka hor intaanay ka ambabixin magaalada Hargeysa, faahfaahin ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda iyo waxyaabaha ay ka wada hadlayaan Wakiillada Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka "Deeq bixiyeyaasha waxaanu kala hadlaynaa arrimaha Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada Somaliland, waxaanu ku maqnaan doonaa muddo ilaa afar Maalmood ah” ayuu yidhi cirro. Waxaanu intaas raaciyay "Waxay nagala hadlayaan uun dimuquraadiyadda dalka iyo arrimaha ay inaga caawiyaan”.

 

download (5)

Geesta kale, Guddoomiyeyaasha labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye oo faahfaahin ka bixiyay qaadiyadda socdaalkooda Nairobi iyo waxay ka wada hadlayaan Qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa tilmaamay in loogu yeedhay sidii ay iyaga iyo daneeyayaashu uga wada tashan lahaayeen qabsoomidda Doorashooyinka lagu wado inay dalka ka qabsoomaan sanadka soo socda.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay socdaalka weftigooda, ayaa yidhi "waxa loo tegayaa waxa weeye Wadamadii inaga caawinayay Doorashooyinka”. Ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ka xunyihiin in lala kulmo qaadhaan-bixiyeyaasha, iyadoo aanay dhamaystirnayn arrimihii Doorashooyinka aasaasiga u ahaa, sida dhismaha Komishanka Doorashooyinka, Xeerarka Diwaan gelinta iyo howlaha kale ee farsamo. "Waxaan aad iyo aad uga xunahay in la tago, Waxaanu jeclayn inaanu (Qaadhaan-bixiyayaasha la kulanno), iyada oo Komishanka arrintiisuna dhamaatay, sharcigiina la hirgliyey, labadiina midna waxba kama suurto-gelin, waxa ka sii daran in xeerkii loo gudbiyey (Guurtida) la leeyahay waa xeer aan waafaqsaneyn (Kii Golaha Wakiiladu ansixiyeen)….annagu waxaanu filaynay in balanta qaadhaan-bixiyeyaashu way taagnayde, iyadoo Komishanka la ansixiyay inaanu tagno, laakiinse may dhicin” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Eng. Faysal oo iftiiminaya natiijada ay ka filayaan Qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa hadalkiisa raaciyey "Markaa arrimahaasi dadka aanu u tegayno waxay ku noqonaysaa waxaan la filayn, markaa waxaanu ku rejo waynahay arimahaas wixii nagala soo waajaha inaanu ka nidhaahno, si aanay u niyad jabin dadkii, dedaalkooda u sii wadaan, howshii iyana aanay dhinacooda u hakin, ayaanu jecelnahay inaanu kala hadalno, arrimahanina waa arrimo doorashooyinka oo qudha maahee dalkoo dhan dhaawac u geysanaya” ayuu hadalkiisa ku daray Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi gabagabadii ka hadlay shirka Jaraa’id ee ay hoggaamiyeyaasha Asxaabtu warbaahinta u qabteen intaanay dalka ka ambo bixin, ayaa dhankiisa Xukuumadda ka difaacay dareenka ay ka muujiyeen Doorashooyinka labada guddoomiye xisbi Mucaarid.

Muuse Biixi ayaa yidhi "Walaaca aad sheegtay Faysalow Kulmiye kuma jiro shaqona kuma laha, beribaanu ka nahaye waxba aniga ha ii duur xulin”. Qolyihiinan Mucaaridka ah, Jamaalna waa fadhiyaaye” - "Anigu Mucaaridka UCID ayuunbaan u aqaan oo Kulmiye iyo Waddani anagu Qarankiibaanu nahaye, waxaad dadka aad ugu sheegtaan in Kulmiye doorashada habsaaminayo, Doorasho ma doonayo iyo waxanbuu daahiyey ee qolyahan baarlamankana annagu maanu fasixin ee iyagaa fasax galay” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Dhawaaqyada is-diidan ee ka soo yeedhay labada hoggaamiye xisbi ee Faysal iyo Muuse Biixi ayaa iftiimiyay kala aragti fogaanshiyo salka ku haya doodda doorashooyinka ka taagan, waxaana guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo hadalada lays dhaafsaday ka daba tegay uu sheegay in Golaha Wakiillada loo soo gudbiyay Magacyada xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo qudha, "Xubnaha Komishanka Doorashooyinka waxa Golaha Wakiillada loo soo gudbiyay magacyadii oo qudha, laakiinse macluumaadkii lagu ansixin lahaa wuxuu wali ku maqanyahay Madaxtooyada, waxaanan ku kalsoonahay in arrintaasi (Ansixinta), xubnaha Komishanku labada Gole dhexdooda ka dhammaan doonto inshalah” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Qaadhaan-bixiyeyaasha beesha caalamka ayaa dawladda ku dirqiyaya inay doorashooyinka qabato wakhtiga u cayiman oo aanay muddo dhaafin, taasoo ah talaabada ugu weyn ee ay danaynayaan asxaabta mucaaridka ah iyo Daneeyayaasha Dimuquraadiyada Somaliland.

Weftiga ayaa lagu wadaa inay Maalmaha soo socda Magaalada Nairobi kula kulmaan wakiillada qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha Caalamka, waxaana saddexda Guddoomiye xisbi ku weheliya xubno ka socda Akaademiga Nabadda Somaliland. 



Contact@afkashacabka.com