Trump ma wuxuu sheegi doonaa in la dilay hoggaamiyihii Daacish?

0
Sunday October 27, 2019 - 12:17:16 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump ma wuxuu sheegi doonaa in la dilay hoggaamiyihii Daacish?

    Trump ma wuxuu sheegi doonaa in la dilay hoggaamiyihii Daacish?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump ma wuxuu sheegi doonaa in la dilay hoggaamiyihii Daacish?
Mareykanka ayaa qaaday howl gal lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyaha kooxda ISIS, Abu Bakr al-Baghdadi, sida laga soo xigtay saraakiisha Marekanka.

 

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in hoggaamiyaha kooxda ISIL lagu bartilmaameedsaday gobolka Idlib ee Siiriya. Sarkaal kale oo Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey in hawlgalku dhacay ma uusan bixin faahfaahin , sidoo kale ma xaqiijin in howlgalka lagu guuleystay.

Wuxuu ku soo aadday warkan iyadoo Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo uu sheegay in madaxweyne Trump uu maanta Axadda soo saari doono warbixin weyn ka dib markii madaxweynaha uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in arrin weyn ay dhacday isagoo aan wax faaf-faahin dheerad ah ka bixin.