Gaadiidley xiray Isgoyska KM4 magaalada Muqdisho

0
Sunday October 27, 2019 - 12:23:12 in by salman abdi
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiidley xiray Isgoyska KM4 magaalada Muqdisho

    Gaadiidley xiray Isgoyska KM4 magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadiidley xiray Isgoyska KM4 magaalada Muqdisho

Wadayaasha gaadiidka BL-ka dadweynaha ayaa saakay xiray Isogyska KM4 oo ah marin muhiim u ah isku socodka guud ahaan magaalada Muqdisho.

 

 

Dibadaxa ay dhagayaan wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo soo bilaawday maalintii shalay ayaay sii xoogeysay maanta iyaga oo cabanaya canshuurta oo lagu koriyay iyo inta badan jidadka magaalada oo xiran.

 

Wariyayaasha ayaa loo diiday in ay muuqaalo iyo sawirro ka qaataan dibadbaxa waxaana qaar ka mid ah la sheegay in laga jajabiyay Kaamriyooyinkii ay wax ku duubayaan lana jir dilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sababo amni u xirtay inta badan jidadka Muqdisho, waxaana ay arintan caqabad weyn ku noqotay isku socodka magaalada madaama gaadiidka aan loo ogoleyn in ay isaga gudbaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Wadayaasha iyo milkiilyaasha gaadiidka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dibadbaxyada ilaa wax ka badan lagu sameynayo wax-yaabaha ay ka cabanayaan gaar ahaan canshuurta oo ay sheegeen in lagu kordhiyay.