Deg Deg Qaramada Midoobay Oo Itoobiya Ku Eedeeyay Inay Hub U Qaybisay Maamul Goboleedyada Soomaaliya

0
Tuesday October 29, 2019 - 12:22:45 in by salman abdi
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Qaramada Midoobay Oo Itoobiya Ku Eedeeyay Inay Hub U Qaybisay Maamul Goboleedyada Soomaaliya

    Deg Deg Qaramada Midoobay Oo Itoobiya Ku Eedeeyay Inay Hub U Qaybisay Maamul Goboleedyada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg Qaramada Midoobay Oo Itoobiya Ku Eedeeyay Inay Hub U Qaybisay Maamul Goboleedyada Soomaaliya

Guddiga Khubarada kooxda QM ee daba-galka Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa shaaca ka qaaday in maamul goboleedyada Soomaaliya ay dalka Itoobiya ka heleen hub sharci-darro ah, xilli Soomaaliya ay weli qeyb ahaan saaran tahay xayiraad hub.

Warbixinta guddiga ee sanadda 2019, oo ay si gaar ah u heshay Warbaahintu ayaa shaaca ka qaadday in guddiga uu helay dokumentiyo caddeynaya in shirkadda Metals and Engineering Corporation (MetEC) oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay hub iyo rasaas badan siisay dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya.


 

Gudidga ayaa sheegay in arirntan aysan ahayn sanadkan oo kale, balse ay soo socotay tobankii sano ee tagay.

Guddiga ayaa sheegaya in inkasta jumladda 11-aad ee qaraarka 2111 ay dalalka caalamka u ogolaanayso inay hub siin karaan haya’daha amniga Soomaaliya ee ka baxsan dowladda federaalka, haddana ay qasab tahay in marka hore ay ogolaansho ka helaan guddiga. Dowladda Itoobiya marnaba ma weydiisan ogolaansho, ayey tiri warbixinta.

Dhinaca kale, guddiga ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya inay inta badan u hoggaansantay shuruudihii qeyb ahaan looga qaaday xayiraadda hubka, inkasta oo ay jirto marar ay ku guul darreysatay.

"Shan ka mid ah toddoba goor oo dowladda ay guddiga soo ogeysiisay hub ay keensaneyso, waxay buuxiyeen shuruudihii golaha ammaanka” ayaa lagu yiri warbiixnta