Ku dhawaad 20 ruux oo ku dhimatay Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne
Wali waxaa magaalada Beledweyne ka soconaya baadigoobka loogu jiro meydadkii dadkii ku dhintay dadaadka ku soo rogmaday magaalada iyadoo meydad hor leh laga soo saarayo biyaha
Qof ka tirsan shaqaalaha gurmadka ayaa Hiiraan Online u sheegay in dadka ku dhintay biyaha ku dhaw yihiin 20 yihiin ruux madaama ay jiraan dad siyaabo kala duwan daadku u qaaday oo xitaa ay ku jiraan carruur yaryar.
Maalintii shalay ayaa waxaa la aasay meydadka ilaa 5 ruux oo ka mid ahaa dadkii la socday Doontii Subaxnimadii Isniinta ku gadoontay biyaha Wabiga.
Waa fatahaadii ugu cusleyd uguna saameynta badneyd ee taariikhda inta la xasuusto soo marta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida ay Hiiraan Online u sheegeen dadkii muddada dheer u soo joogay Fatahaaddihii gobolka soo maray.
Ku dhawaad 20 ruux oo ku dhimatay Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne
Ku dhawaad 20 ruux oo ku dhimatay Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne