Xaalada Amni Daro Oo Ka Soo Cusboonatay magaalada Dhuusa-mareeb Iyo Ciidamada Somalia Oo La Wareegay Goobo Muhiim ah.

0
Sunday November 03, 2019 - 12:52:05 in by salman abdi
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Amni Daro Oo Ka Soo Cusboonatay magaalada Dhuusa-mareeb Iyo Ciidamada Somalia Oo La Wareegay Goobo Muhiim ah.

    Xaalada Amni Daro Oo Ka Soo Cusboonatay magaalada Dhuusa-mareeb Iyo Ciidamada Somalia Oo La Wareegay Goobo Muhiim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Amni Daro Oo Ka Soo Cusboonatay magaalada Dhuusa-mareeb Iyo Ciidamada Somalia Oo La Wareegay Goobo Muhiim ah.

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda la wareegay xarumo muhiim ah oo ay degenaayeen saraakiisha iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

 

 

Wararka ka imanaya degmada ayaa sheegaya in Ahlu Sunna isaga baxeen fariisinkoodii ugu weynaa degmada iyaga oo xoogaggooda isugu geerayayxarunta INJI oo uu degan yahay Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna.

 

 

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Magaalada Dhuusa-Mareeb, si ay u hubiyaan nabad-galyada guud ahaan degmada.

Waxaa soo baxaya digniinno laga soo saarayo xaalada Galmudug iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee soconaya oo laga cabsi qabo in marka danbe ay isku badalaan dagaal culus.

 

Saacadihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda ayaa u muuqda kuwo isku ballaarinaya guud ahaanba maamulka iyo gacan ku heynta deegaannadda ay gobolka ka maamulaan Ahlu Sunna Waljameeca, iyaga oo horay ula wareegay degmooyinka Guri-ceel iyo Matabaan.