Madaxweyne Farmaajo'' Dowladdu waxey la imaaneysaa qorshe looga hortagayo Fatahaadda
Madaxweynaha dowlad Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in fatahaadda Beledweyne marar badan iska soo daba-laabatay, sidaa daraadeed loo baahan yahay in lala yimaado qorshe looga gaashaamanayo.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ku baaqay in la dardar-galiyo howlaha gurmadka loo sameynayo dadka fatahaadu saameysay oo ku dayacan daafaha magaalada.
Waxaa uu u mahad celiyay dowladaha ka soo jaawabay qeylo-dhaantii ku aaddanayd musiibadan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shacabka iyo xukuumadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirri geliyey dadaallada isku tashiga iyo samafalka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka bilaabeen gudaha magaalooyinka dalka, jaaliyadaha iyo goobaha shaqada, kuwaas oo loogu gurmanayo walaalaheenna ku dhibaataysan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen.
Madaxweyne Farmaajo'' Dowladdu waxey la imaaneysaa qorshe looga hortagayo Fatahaadda
Madaxweyne Farmaajo'' Dowladdu waxey la imaaneysaa qorshe looga hortagayo Fatahaadda