Madaxii shirkadda McDonald oo shaqada looga eryay Iyo Arimaha Sababay In Shaqada Laga Eryo.

0
Monday November 04, 2019 - 08:17:54 in by salman abdi
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii shirkadda McDonald oo shaqada looga eryay Iyo Arimaha Sababay In Shaqada Laga Eryo.

    Madaxii shirkadda McDonald oo shaqada looga eryay Iyo Arimaha Sababay In Shaqada Laga Eryo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxii shirkadda McDonald oo shaqada looga eryay Iyo Arimaha Sababay In Shaqada Laga Eryo.

Shirkadda sameysa cuntooyinka fudfudud ee McDonald ayaa shaqada ka eriday madaxii shirkadda, Steve Easterbrook, kadib markii la ogaaday in uu xiriir la leeyahay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda.

Shirkadda ayaa sheegtay in sababta shaqada looga eryay steve ay tahay in uu jebiyay heshiiska iyo nidaamka u degsan hey'adda, sidoo kalena uu ku xadgudbay siyaasadaha u degsan McDonald.

Ninkan ayaa qirtay in uu la haasaawayay mid ka mid ah shaqaalaha, taas na ay tahay arrin khalad ah.

"Marka la eego qayimka shirkadda, waxaan ku waafaqsanahaya guddiga, wana xilligii aan meesha baneyn laha," ayuu yiri.

Mr Easterbrook, oo da'diisu ay tahay 52, ayaa horay waxay u kala tageen xaas kale, waxaana markii ugu horeesay uu isla shirkadan uga soo shaqeeyay Magaalada London, sanadkii 1993, xiligaas oo uu u ahaa maamule, kahor inta uusan dalacin.

Waxaa uu McDonald ka tegay sanadkii 2011, oo waxaa uu madax ka noqday shirkado kale ee sameya cuntooyinka fudfudud ee Pizza Express iyo Asian food chain Wagamama, kahor inta uusan ku laabanin isla shirkadaas McDonald sanadkii 2013-ka, xiligaas oo uu noqday madaxa shirkadda ee dalka Ingiriiska iyo qaaradda Yurub.

Sanadkii 2015 ayaa Steve Easterbrook waxaa loo magacaabay madaxa guud ee shirkadda McDonald.

.Lahaanshaha sawirkaP.A MEDIA
Image captionshirkadda McDonald ayaa sameysa cuntooyin fudfudud

Mr Easterbrook ayaa waxaa aad loogu amaanaa qaabka sidii uu wax uga badelay cuntooyinka ay sameyso shirkadda, oo waxaa la sheegaa in uu aad u nidaamiyay cuntooyinka, dhadhanna u yeelay, taas oo keentay in qiimaha iyo dalabka raashinka shirkadda uu noqdo mid aad loo jecleysto.

Intii uu madaxda ka ahaa shirkada McDonald waxay shirkadda balaarisay qaabka dadka dalbada cuntooyinka loogu geeyo guryahooda iyo sida fudud ee lacagta loogu bixiyo taleefoonada gacanta.

Guddiga kor joogteynta shirkadda ayaa go'aankan gaaray maalintii jimcaha, kadib markii ay dib u eegis ku sameyeen. Ninkan ayaa sidoo kale dhinac uga istaagay Madaxweynaha shirkadda iyo xubin ka mid ah guddiga kor joogteynta.

Shruucda u degsan shirkadda McDonald ayaa dhigaya in qofka maamulaha ah uusan wax xiriir ah la yeelan karin qof ka mid ah shaqalaha uu madaxda u yahay. Shirkadda ayaa maanta oo isniin ah shaacin doonta xaqaa uu yeelan doonaa Easterbrook, arrintaas oo aad looga war sugayo.

Shirkadda McDonald ayaa aad loogu dhaliilaa mushaarka ay siiso shaqalaha ka shaqeeya dukamaadeeda, kaas oo dadku ay shegaan in uu aad u yar yahay. Ninkan ayaa waxaa badeli doonaa Chris Kempczinski, oo isla shirkadda madax uga ahaa dalka Mareykanka.

War qoraal ah oo uu soo saaray Chris Kempczinski, ayuu ugu mahadceliyay Easterbrook iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay intii uu madaxda a ahaa shirkadda, waxaana uu yiri: " Easterbrook ayaa aniga I keenay McDonald, aad ayuuna isoo garab qabtay.".

Sanadkii la soo dhaafay, madaxa shirkadda tiknoljiyadda dalka Mareykanka ee Intel ayaa shaqada iska casilay, kadib markii uu xiriir la sameeyay mid ka mid ah shaqaalaaha shirkadda, taas oo ka dhan ahayd shuruucda shirkadda.

Shirkado badan ayaa qabo shuruuc lamid ah taas, oo waxay u sababeeyaan in qofka uusan u eexanin qofka ay isku dhaw yihiin.