Dowladda oo ciidamo kale geysay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud

0
Monday November 04, 2019 - 13:54:03 in by salman abdi
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo ciidamo kale geysay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud

    Dowladda oo ciidamo kale geysay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda oo ciidamo kale geysay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud

Dowladda Soomaaaliya ayaa ciidamo kale oo ka tirsan BOoliiska sida gaar ah u tababaran ee Harimocad ka dajisay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

 

 

Ciidamada cusub ee la geeyay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa ku biiraya ciidamo kale oo horay u sii joogay degmada oo ka kooban Nabad-sugida, Booliiska sida gaar ah ku tababaran iyo waliba kuwa DANAB.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidan ugu tala-gashay in ay ka qeybqaataan guud ahaa sugida Amniga deegaannada Galmudug gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Dhuusa-Mareeb oo dhawaan la filayo in ay ka dhacaan kulamo iyo shirar qeyb ka ah dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Dhinaca kale ciidamadan cusub ayaa imanaya xili dowladda federaalka awoodeeda ku ballaarisay degmooyin ay horay u maamulayeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo ay mid tahay degmada Dhuusa-Mareeb iyo Guriceel oo ka mid ahaa saldhigyada ugu waaweyn Ahlu Sunna marka la eego guud ahaan gobolka.