Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Ka Hadlay Doorka Dalkiisa Ee Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Thursday November 07, 2019 - 10:40:22 in by salman abdi
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Ka Hadlay Doorka Dalkiisa Ee Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Ka Hadlay Doorka Dalkiisa Ee Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Ka Hadlay Doorka Dalkiisa Ee Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa ka hadlay doorka dalkiisa ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiir Mevlut Cavusoglu, oo Axadii hadal ka jeediyay shirka kooxda xidhiidhka Soomaaliya ee Ururka Islaamka oo ku qabsoomay dalka Qatar, wuxuu si kooban u sheegay in Turkigu dalbaday inuu door fududayn iyo dhexdhexaadin ah ku yeesho wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, "Waxaanu dalbanay door fududayn iyo dhexdhexaadin ah oo ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah, wuxuuse hadalkisa raaciyay in doorashada Soomaaliya ee sannadka 2020 ay keeni doonto isbedel muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya.

Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa istaagay sannadkii 2015, ka dib markii uu dalka Turkiga ku burburay wada hadal u dhaxeeyay labada dawladood, wixii intaas ka dambeeyay ma jirin wada hadalo dambe oo rasmi ah oo dhex maray laba dawladood.

Turkiga ayaa bishii December ee sannadkii hore ee 2018, wuxuu ergay cusub Danjire Dr. Olgan Bekar u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin marka laga reebo socdaalo uu ergaygaasi ku yimid Hargeysa iyo Muqdisho, ma jiraan wax guulo ah oo uu ka gaadhay dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho.