Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

0
Sunday November 10, 2019 - 14:39:34 in by salman abdi
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

    Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo ka mid ah degmada.

 

 

Qoysaskii ku noolaa xaafaddaha Idha-Ceel iyo BagAbeeso oo mid ah xaafaddaha ugu caansan magaalada ayaa ka barakacay guryahoodii kaddib markii soo galleen daadad ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle.

 

Goobjoogayaal ku sugan degmada Buula-burte oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saacad walba biyuhu isa soo taranayaan, lagana yaabo in ay isku fidiyaan xaafado kale hore leh.

Wabiga Shabeelle ayaa horay waxaa uu fatahaad uga sameeyay deegaano ka tirsan degmooyinka,Baladweyne, Jowhar iyo Balcad, iyada oo dadkii deganaa deegaannada uu fatahaada ka sameeyey ay barakaceen.

Magaalada Beledweyne oo ah halka ugu darran ee Fatahaadu ku dhufatay ayaa hadda wax biyo ah laheyn kaddib markii uu hoos u dhac weyn sameeyay Wabiga Shabeelle.