Ra'iisal Wasaare Kheyre oo shir uga qeybgalaya dalka Faransiiska
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo shir uga qeybgalaya dalka Faransiiska
Shirka oo maanta furmaya ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa 13bisha,waxaana looga hadlayaa Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhan-yahay, dhaqanka iyo waxbarashada, waxaana sidoo kale lagooga doodayaa xal u helidda dhibaatooyinka caalamka ka jira.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa dalka Faransiiska uga qeybgalaya Madasha Nabada Paris ee dalka Faransiiska.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’addaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre inta uu ku sugan-yahay Faransiiska kulamo doceedyo uu la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo shir uga qeybgalaya dalka Faransiiska
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo shir uga qeybgalaya dalka Faransiiska