Xiisada Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo meel sare gaartay

0
Monday November 11, 2019 - 10:46:16 in by salman abdi
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo meel sare gaartay

    Xiisada Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo meel sare gaartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo meel sare gaartay

Madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud oo ayaa si adag uga hadlay isku day-Dowladda Fedreraalka ay dooneysay in ay isaga hortaagto safarkii shalay ay ku tageen magaalada Beledweyne.


Labada madaxweyne hore oo galinkii danbe ayaa shalay markii ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho la hadlay warbaahinta iyaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in xiliggan madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya mashquul ku yihiin wax aan aheyn wixii loo idmaday.

 

‘’Mas’uuliyada lama wada-laha, dalka waxaa loo doortay madaxweyne, xukuumaddana waxaa mas’uul ka ah Ra’iisal Wasaaraha in Dowladda xiligan mashquul ku tahay habel ma dhoofi karo, iyo habel ma soo degi karo waa arin nasiib darro ah, wixii shalay dhacay waan ka xunnahay, 7:00 Aroornimo ayaa Garoonka soo galnay waxaan ka dhoofnay oo ka baxnay Garoonka 11:00 Duhurnimo, waxaa naloo sheegay in Garoonka diyaaradaha Beledweyne ay biyo fadhiyaan, markii aan tagnay iska daa’ in ay biyo fadhiyaan e’ waad yaabeysaa marka ay diyaaraduhu duulayaan boorka ka kacaya Garoonka, arintaasi waxey aheyd dulmi, ‘’ ayuu yiri Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya islamarkaana ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku hanjabay in ay talaabo ka qaadayaan dowladda hadda jirta haddii aysan ka waan-toobin ayuu yiri hab dhaqankan aan waxba ka duwaneyn ayuu yiri kan Al-shabaab.

"Magaaladaan Mooryaanaa heysan jirtay sow maaha, waa lala dagaalamay waa la raacdeeyay mise waa beentey, Itoobiyaanaa soo galay maxaa lagu sameeyay waa la eryay,Shabaabaa qabsaday, Maka xoog badan yihiin dadkaan?” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

"Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa” ayuu intaa ku daray Shariifka

 

Laakiin dowladda Soomaaliya oo ka hadashay hanjabaada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mid filanwaa iyo la yaab leh.

"Warka ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.”ayuu yiri Wasiir Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay ugu baaqayaan in uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa, kana dheeraado wax-walba oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xiisadan dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay labada dhinacba in ay xaalada dajiyaan waxaana uu dhanka kale sheegay in madaxweynayaashii hore mar walba mudan yihiin in la xormeeyo.

Diyaaradii siday wafdiga madaxweynayaashii hore ayaa maalintii shalay ay ku adkaatay in ay ka degto Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo lagu micneeyay Garoonka oo qeybo ka mid ah ay biyo ku jireen sida uu sheegay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Wafdiga madasha Xisbiyada Qaran ayaa u tagay maalintii shalay magaalada Beledweyne in ay gaarsiiyaan gargaarkii ay ugu tala galeen dadka ay saameeysay Fatahaadda, xilli toddobaadkii hore ay iclaamiyeen in Laba boqol kun oo dollar, ay ugu talagaleen inay kaga qayb qaataan gurmadka fatahaadaha.