UN '' Lacago laaluush ah ayaa leysku weydaarsaday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed sanadkii hore

0
Tuesday November 12, 2019 - 16:54:00 in by salman abdi
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UN '' Lacago laaluush ah ayaa leysku weydaarsaday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed sanadkii hore

    UN '' Lacago laaluush ah ayaa leysku weydaarsaday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed sanadkii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UN '' Lacago laaluush ah ayaa leysku weydaarsaday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed sanadkii hore

Warbixin ay soo saareen kooxda Khubarrada Qarramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lacago laaluush ah leysku weydaarsaday doorashadii December sanadki hore ee 2018 ka dhacday maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

 

Warbixinta ayaa sheegtay in xildhibaannada Koonfur Galbeed oo gaaraya 82 xildhibaan loo duuliyay magaalada Muqdisho horaantii bishii November, ee sanadkii 2018 iyagoo helay lacag bixin bilow ah oo gaareysay ilaa $ 5000 oo dollar si ay u soo saareen musharixiin ay dowladdu wadatay ee Cabdicasiis Lafta -Gareen oo hadda ah madaxweynaha Koonfur Galbeed.

 

Khubarrada ayaa sidoo kale sheegay in doorashada kaddib xildhibaannada midkiiba uu halay lacag u dhaxeysay $ 2000 oo dollar ilaa $ 3000 oo dollar,

Sidaa oo kale ayaa warbixinta lagu sheegay in maamul gobolleedka Puntland leysku weydaarsaday lacagu laaluusha ah oo ay musharixiintu siinayeen xildhibaannada si mid walba uu u helo codadka ugu badan ee uu ku soo bixi karay.

 

Doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku guuleestay Cabdicasiis Maxamed Lafta Gareen oo wasiir ka ahaa xukuumada Soomaaliya, Lafta Gareen ayaana ahaa ninka ay wadatay Madaxtooyada Soomaaliya ee lacagta badan lagu bixiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay musharixiin ugu cadcadaa marka laga soo tago Lafta -Gareen kaasoo ahaa Mukhtaar Rooboow oo ay soo qabteen ciidamada Itoobiya, waxaana qalalaase arintaan ka dhashay ku dhintay dad gaaraya 15 ruux oo ka careysnaa fara-galinta dowladda ee doorashada Koonfur Galbeed.