Ra'iisal Wasaare Kheyre oo baaq u diray beesha caalamka isaga oo ku sugan magaalada Paris

0
Wednesday November 13, 2019 - 12:08:35 in by salman abdi
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Kheyre oo baaq u diray beesha caalamka isaga oo ku sugan magaalada Paris

    Ra'iisal Wasaare Kheyre oo baaq u diray beesha caalamka isaga oo ku sugan magaalada Paris

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare Kheyre oo baaq u diray beesha caalamka isaga oo ku sugan magaalada Paris

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib-u-kabashada dalka.

 

 

 
 
"Maalgelinta dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa inay ka mid tahay dadaallada la doonayo in lagu gaaro Himilooyinka Horumarka Qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qayb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseeda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida horay ugu laheyd.

Dhinaca kale, Ra'iisal wasaaraha ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah mas'uuliyiintii caalamka ee ka soo qeybgashay kulanka ka dhacay Paris isaga oo kala hadlay xaalada Soomaaliya.