Hargeysa:Xildhibaan Guurti Ah Oo Baaq U Diray Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland

0
Thursday November 14, 2019 - 15:12:09 in by Hargeysa Office
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Xildhibaan Guurti Ah Oo Baaq U Diray Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland

    Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Maanta waxaynu nahay dal dhisan, oo hiigsi iyo hami leh, waxaynu rabnaa inaynu Caalamka ka helno Aqoonsi, waxaynu rabnaa inaynu horumar ka gaadhno dhan kasta, laakiin ma rabno inaynu dib ugu noqono halkii aynu ka soogudubnay, burbur dambe oo inagu yimaada,nabadgalyo daro, cadaawad jabhado dalka ka dilaaca, dhalinyaro hub qaadata iyo odayaal hanjaba looma baahna,ee Xukuumaddu dhib kasta oo jirta hoos ha u eegto oo wax ha ka qabato, maanta wax walba qabasho ayey leeyihiin, cid kasta oo wax tabanaysana waxaan leeyahay si salmiya tabashadiina ku soo bandhiga, laakiin nabada inoo ilaaliya, oaranimada inoo ilaaliya, Somaliland beel qudhi ma leh ee guud ahaan Beelaha dega wey wada leeyihiin, weyna u siman yihiin”

 

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka hadlay Xisbiyada ayaa yidhi "Xisbiyada Mucaarad iyo Muxaafidba iyo Dawladdaba waa in sida ugu wanaagsan lagu dhameeya khilaaf kasta oo jira, oo aan Warbaahinta dhaliilo aan la isku marin”