Ma Dhabaa In Wadadi Ceerigaabo Uu Dhismaheedi Taaganyahay Iyo Shaqaalaahi aan Mushahar Qaadanin

0
Thursday November 14, 2019 - 15:59:18 in by salman abdi
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Wadadi Ceerigaabo Uu Dhismaheedi Taaganyahay Iyo Shaqaalaahi aan Mushahar Qaadanin

    Ma Dhabaa In Wadadi Ceerigaabo Uu Dhismaheedi Taaganyahay Iyo Shaqaalaahi aan Mushahar Qaadanin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabaa In Wadadi Ceerigaabo Uu Dhismaheedi Taaganyahay Iyo Shaqaalaahi aan Mushahar Qaadanin
Wararka Ka Imanaya Gobolka Sanaag aya La sheegaya inay Shaqadi Xawliga ku socotay ee Wadadi Ceerigaabo inay Labadi Sano uu Dambeysay Taagantahay, shaqadan wadada Ceerrgaabo oo aha Rajo weyn oo qabeen Shacabka Weynaha Ku Nool Gobolada Bariga Somaliland iyo Gaar ahaan Shacabka Gobolka Sanaag oo Deegaanada Intiisa Kale Ka Go'doonsana, aya Marki Xukummadi Hore Madaxweyne Silaanyo Dhagax Dhigtay Kuna Dhiiratay Farxad weyn ku soo dhoweeyay.

 

Sidi Xukummada Muse Biixi Xukunka ula Wareegtay aya waxa Gaabis Noqotay Shaqadi Wadada Ceerigaabo Iyado Goobaha Qaarkoodna Dib uu Burbureen, Dadka Deegaanada Wadaasi Marayso aya warbaahinta uu sheegay in Warbaahinta Lagu soo Bandhigo inay Wadado si wanaagsna uu socoto Xiligay Masuuliyiinto Gobolka Yimaadan, Laakin ay tahay keliya Kamarada isku Muujiyaan markay ka tagaana inaanay wax shaqo ahi socon.

Shaqaale Ka Tirsan Wadadaasi aya sheegay inaan hadda muddo dheer la siin Mushaharkoodi iyado qaarkood Mushahar qaadan muddo 4 bilood ah, taasina keentay inay shaqaalo shaqeyn xiligan.

iyado sidaas tahay aya dhinaca kale Ceerigaabo Wadada Ceerigaabo ka socoto inkasto ay iska Gaabis tahay kuna socon xawligi hore aya laakin weli shaqaalaha ka shaqeeyan dhinaca Ceerigaabo ila Ceelafweyn.

Geesta kalena Wasiirka Gaadiidka Cabdullahi Abokor aya isago Dedaal Badan geliyay Sidi Qalabka Wadada Lagaga shaqeynayo Loo Tayeyn laha isago qaar cusubna ku soo Kordhiyay.