Hirdan Siyaasadeed Oo Ka Bilaamay Gobolka BUUHOODLE,Iyo Xaalad Dagaal Oo Laga Cabsi Qabo +Maxaa Sabab U Ah

0
Sunday November 17, 2019 - 13:42:45 in by salman abdi
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirdan Siyaasadeed Oo Ka Bilaamay Gobolka BUUHOODLE,Iyo Xaalad Dagaal Oo Laga Cabsi Qabo +Maxaa Sabab U Ah

    Hirdan Siyaasadeed Oo Ka Bilaamay Gobolka BUUHOODLE,Iyo Xaalad Dagaal Oo Laga Cabsi Qabo +Maxaa Sabab U Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hirdan Siyaasadeed Oo Ka Bilaamay Gobolka BUUHOODLE,Iyo Xaalad Dagaal Oo Laga Cabsi Qabo +Maxaa Sabab U Ah
Qalalaaso Siyaasadeed Ayaa Ka Jira Gobolka BUUHOODLE,Waxaana Gudaha Magaalada Ku Xirdamaaya 3 Gole Deegaan Oo Kala Taabacsan,Dawlada Somaliland,Puntland,Iyo KHAATUMO
Buuhoodle Oo Ay Ka Jiraan Maamulo Is Khilaafsan Ayaa Wakhtigan U Muuqda Kuwa Wajahaaya Xaalad Car Iyo Wira,Kaidib Markii Maamulka Xasarada Badan Ee Puntland Ay Sheegeen Inay Gobolka BUUHOODLE Ka Samaynayaan Xildhibaano Gole Deegaan,Kuwaas Oo Ka Amar Qaadan Doona Maamulka Madaxweyne Siciid Denni

Faro Gelinta Maamulka Puntland Ku Sameeyey Xaalada Siyaasadeed Ee Gobolka BUUHOODLE Ayaa U Muuqda Mid Abuuraya Xasilooni Daro,Maadama Oo Hore Gobolka BUUHOODLE Ay Uga Jireen Golayaal Deegaan Kuwaas Oo Ay Samaysteen Dadka Deegaankaasi,Isla Markaana U Adeega Bulshada Ku Dhaqan Deegaankaasi

 

Ilo-Wareedyo Ay Helayso Shebekada Wararka Ee BurcoOnline.com Ayaa Sheegay Inay Hanjabaado Culus Is Dhaafsadeen Xildhibaanadii Hore Uga Talinaayey Deegaankaasi,Iyo Murashaxiin Dhalinyaro U Badan Oo Ay Dabada Ka Riixayso Puntland.Kuwaas Oo Midkasta Wacad Ku Maray Inay Adeegsan Doonan Awood,Si Ay U Difaacadaan Kamid Noqoshada Golayaasha Deegaanka Ee Gobolkaasi Yeelan Doono
Xildhibaanadii Hore Uga Talinaayey Deegaankaasi Oo Warbaahinta La Hadlay Ayaa Fariin U Diray Dawlada Puntland,Waxayna Uga Digeen Inay Isku Daydo Inay Buuhoodle Ka Sameeyaan Golle Deegaan.

Dhanka Kale Dawlada Somaliland Ayaa Wada Siyaasad Qunyar Socoda Oo Ay Doonayso Inay Kula Wareegto Gacan Ku Haynta Maamulka Gobolka BUUHOODLE,Dawlada Somaliland Ayaa Gacan Iyo Taageero Ka Helaysa Waxgaradka Iyo Isimada Deegaankaasi,
Khilaafkan Hadii Uu Sii Socdo Wuxuu Sababi Kara Isku Dhac Iyo Iska Hor Imaad,Kaas Oo Keeni Kara Khasaare Naf Iyo Maalba Leh,Ilaayo Hadana Lama Qiyaasi Karo Halka Ay Ku Danbayn Doonto Fidmadan Ay Abuureen Madaxda Maamulka Puntland