UN Monitoring Group oo war kasoo saartay weerarrada loo geysto xarumaha Hormuud

0
Monday November 18, 2019 - 13:15:59 in by salman abdi
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UN Monitoring Group oo war kasoo saartay weerarrada loo geysto xarumaha Hormuud

    UN Monitoring Group oo war kasoo saartay weerarrada loo geysto xarumaha Hormuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UN Monitoring Group oo war kasoo saartay weerarrada loo geysto xarumaha Hormuud

Kooxda UN Monitoring Group ayaa soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ku saabsan Soomaaliya, iyadoo ay kooxdu warbixinteeda kusoo dartay beegsiga ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya.

 

 

UN Monitoring Group ayaa si faahfaahsan kaga hadashay weerarradii loo geystay Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kadib duqeymo iyo weeraro uga yimid Ciidamada Kenya ee ka tirsan howgalka AMISOM.

 

Qoraalka ka soo baxay Kooxda UN Monitoring Group

Bartilmaameedka laga dhiganayo Shaqaalaha & Xarumaha Shirkadda. Guddi khubaro ah ayaa helay warbixinno ku aadan weerarrada ay ciidamada difaaca Kenya ku qaadeen 12 xarumood oo Hormuud maamusho kuna yaala gudaha Soomaaliya.

Laga soo bilaabo 2017 dhamaan xarumaha Hormuud ee Goboka Gedo, Waa la weeraray waxayna sababeen dhimashada labo shacab ah.

Guddigaan khuburada ah waxay awood u yeesheen in ay si madax banaan u ogaadaan in shan ka mid ah weeraradaas halmar la wada qorsheeyay weliba ay ku jiraan labo weerar oo la qaaday ayadoo lagu shaqeynayo Mandate-ka u dagsan ciidamada Kenya, waxaana ku dhintay labo qof oo rayid ah.

Sidoo kale guddiga waxay heleen sawirro caddeymo ah oo muujinayaan bambooyinka labo qarax oo aan qarxin oo xarumaha la weeraray lagu arkay, waana mamnuuc in bambooyinkaas la adeegsado sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah ee lasoo saaray 2008 oo mamnuucay in duqeyn ahaan loo adeegsado, xitaa xeerka dhaqan ee Kenya u yaalla ma dhigayo in bambooyinkaas la adeegsado, waxaana lagu arkay haraadigaas bambooyinka oo aan qarxin xarun Hormuud ku leedahay Ceel Waaq oo la weeraray 2-dii Maarso 2019. 24-kii July 2018 ciidamada Kenya waxay si ku tala gal ah duqeyn ku dileen waardiyihii shirkadda Hormuud iyo qof qaraabadiisa ha xarunta Xiiso-Ugur oo ku taalo hareeraha Ceel Waaq oo ka tirsan gobolka Gedo.

15-kii Janaayo ciidamada xoogga Kenya waxay si ku tala gal ah u burburiyeen xarun Hormuud ku laheyd tuulada Cali Bulaay oo katirsan degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose sidoo kalena waxay jir dileen waardiyihii ama ilaaladii shirkadda Hormuud halkaas u joogay. 27-kii Maarso 2019 ciidamada Kenya waxay si ku talo gal ah u burburiyeen xarun Hormuud ku lahaayeen deegaanka Caws–Quraan oo ka tirsan Ceel Waaq, Gobolka Gedo.

Burburinta ay ciidamada Kenya u geysanayaan isgaarsiinta Hormuud waxaa ka dhashay xaalad Bini’aadanimo, mid dhaqaale iyo mid hantiyadeedba. Weliba burburinta xarumaha Hormuud waxay keentay dhibaato ku aadan xariirka hay’adaha samafalka wada sameyn lahaayeen si gurmad Bini’aadinimo looga fuliyo gudaha Soomaaliya xilli walbo. Sidoo kale waxaa istaagay shaqadii xawaaladaha & lacagihii la isigu diri jiray Mobile-lada oo dadka shacabka ah isticmaali jireen, arrintaas oo sababtay in dhibaato xooggan ay soo gaarto dadka deegaanka tan iyo markii ciidamada Kenya bilaabeen inay xarumaha Hormuud weeraro ku qaadaan oo ay isgaarsiinta jaraan.