Hargaysa:-"Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan"

0
Wednesday November 20, 2019 - 11:43:05 in by salman abdi
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan"

    "Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan" Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan"

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ka mid ah Ergada

dhexdhexaadinta ka dhex wada Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, ayaa rajo wanaagsan ka

muujiyay dedaalada isu soo

dhawaynta ah ee ay wadaan inay ku dhammadaan is afgarad.


rajo ku qabo in arrimaha dalka ka taagtaagani ku dhammaadaan is afgarad buuxa, "Dabcan maanta (shalay),

anigu maan

joogin,laakiin waxaanu leenahay Afhayeen, waxaana noo Afhayeen ah Faysal Cali Waraabe, oo runtii isaga

ayaa noo hadlay, halkay

wax noo marayaana ka hadlay, ILLAAHAY xaqa iyo khayrka mar walba ha ina waafajiyo, waxaanu rajaynaynaa

in arimahan taagani

khayr iyo is afgarad inoogu dhammaadan.”


Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu yidhi " Qadiyadan Komishanka

ka taagan arin

khusaysa maaha labada xisbi ee mucaaradka ah waa arin qaran oo u baahan in qaranka oo dhami uu arko oo

daafaco sharciga,

sharciga ayaanu daafacaynaa, waa tii sida fiican ay inoogu socotay waatii shaydaanku inaga soo dhex galay

shalay, shaydaanka

ayaynu naaraynaa,cumaamadii odaynimadaan qaatay oo tii xisbinimada halkan ayaan yara dhigtay, wasirka

daakhiliga waanu u


tagnay aniga iyo odayaasha madaxweynayaashii hore iyo qolada ka socota Akadamiyada, ururadii bulshaduna

waa ay nagu


jiraan, waxaanu doonaynaa inana qolada Waddanina aanu ka raaridno inay joojiyaan isku soo baxa oo


sharcigu uu siinaayo,


dawladuna ay soo dayso cidii la xidhay ee xisbiga ahaa, markaas Waddani waanu ka helnay tobankii saaka

[shalay] ayaanu la

balanay ( doraad) madashiina waa ay noo yimaadeen hadana wasiirka arimaha gudaha ayaanu ku soconaa

insha allaah waa uu


naga ogolaan doonaa, ergada madaxweynaana jin iyo jaanba waanu isugu tagaynaa.”



Xigasho geeska