Daawo:-"Ciddii rabta in ay la shaqeyso Dowladda Dhexe looma joojinayo xilka waa laga qaadayaa"Jubbaland.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ay fara-galin ba’an ku heyso deegaannada Jubbaland oo sida uu hadalka u dhigay kala qeybineyso iyadoo adeegsaneysa ayuu yiri awoodo shisheeye.
‘’Ciddii maamulka Jubbaland ka tirsan ee shaqo u doonata Dowladda Federaalka looma joojinayo xilka waa laga qaadayaa mid cusub ayaana la magacaabayaa’’ ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.
Waxaa iska diiday in isaga laftirkiisa ay u suurtagali weyday in uu booqdo qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Gedo oo lagaga hortagay mudaaraaadyo iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka uu madaxweyne ku-xigeenka ka yahay.
Qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Galbeedka gobolka Gedo oo inta badan uu maamuli jiray Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Muqdisho ku xiran ayaa sheegay in ay ku biireen dowlada dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana aysan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland.