Puntland oo Garowe kusoo bandhigtay maandooriye lagusoo qabtay howgal ciidan

0
Saturday November 23, 2019 - 13:24:12 in by salman abdi
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Garowe kusoo bandhigtay maandooriye lagusoo qabtay howgal ciidan

    Puntland oo Garowe kusoo bandhigtay maandooriye lagusoo qabtay howgal ciidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo Garowe kusoo bandhigtay maandooriye lagusoo qabtay howgal ciidan
Taliska ciidanka booliiska gobolka Nugaal ee Puntland, ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigay nuucyada duwan ee Maandooriyaha sida Qamriga, xashiishka iyo sidoo kale Tooreeyo dadka lagu baarto oo ay ciidamadu kusoo qabteen howlgal ciidan.

 

Taliyaha saldhiga Garowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay ku guulaysteen burburinta koox farsamayn jirtay qamriga loo yaqaano calaqa iyo xashiishada, kuwaas oo uu sheegay in dhammaantood loo taxaabay xabsiga weyn.

Qeyb kamid ah Qamriga lasoo qabtay waxaa ku jiray 120 dhalo oo ah qamriga dalka Ethopia lagasoo galiyo Puntland.

Waa markii labaad oo maalmo kooban gudaheed ah Puntland lagusoo bandhigo Maandooriye isugu jira Qamri iyo Xashiishad, magaalada Galodob ayaa dhowaan sidaas oo kale lagusoo bandhigay Qamri