Hay'adda Nabad-Sugida oo soo bandhigtay shaqsigii miinada ku xiray gaarigii shalay ku qarxay Muqdisho
Hay'adda Nabad-Sugida oo soo bandhigtay shaqsigii miinada ku xiray gaarigii shalay ku qarxay Muqdisho
Xudeyfa Daa'uud Yuusuf oo ah shaqsiga ay oo bandhigeen saraakiisha hay'adda Nabad-sugida ayaa qirtay in uu isaga ku xiray gaariga Miinada kana yimid markiisii hore ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana uu intaa ku daray in miinada uu gaariga ku xiray loo soo dhiibay.
Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka Nin dhalinyarro ah oo ay ku sheegeen in uu ahaa shaqsigii miinada ku xiray gaarigii maalintii shalay ku qarxay meel aan ka fogeyn Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Ma aysan sheegin saraakiisha sida ay ugu suurtagashay in soo qabtaan Ninka oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsan yahay qeybta Qaraxyada u qaabilsan Ururka Al-shabaab.