Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio

0
Monday November 25, 2019 - 14:58:12 in by salman abdi
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio

    Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay u qeybsanaha Dowlada Soomaaliya ee dalka Mareykanka Ali Sharif Ahmed .

 

 

Safiirka iyo xubnaha safaarada qaar oo ku wehliyay socdaalkan waxa uu ujeedkoodu ahaa sidii la isugu xiri lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Safaaradooda DC oo ahmiyad weyn ugu fadhida.

 

Socdalka Safiirka waxaa dhankiisa ku wehliyay safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Osman oo dhankiisa howlo muhiim ah u haayo Bulshada iyo dowlada Soomaaliyeed.

Safiir Ali Shariif Ahmed iyo safaarada ayaa looga fadhiya hawlo baddan oo ay ka mid yihiin, isku xirka shacabka dibada jooga iyo dowladadooda, xalinta dhibaatooyinka gudaha Mareykanka ku qabsada Jaaliyadda, sida caruurta xabsiyadda ka buuxda, xal u helida dadka sharci la'aantu hayso ee dowladda mareykanku musaafuriso, mushkiladda xawilaadaha ee Bangiyada iyo arimo kale oo aad u badan.

Safiirka oo kulamo gooni gooni ah la qaadanayay qeybaha bulshada waxa uu balan qaaday in safaaradu qaban doonto howlaha loo igmaday iyo in ay ka soo dhalaali doonaan rajada Jaaliyadaha Maraykanku ka qabaan isbadal lagu sameeyo sidii safaaradu irdaha ugu furi lahayd wax walba oo ay tahay in ay ka xigsato dadka Soomaaliyeed.

Safirka waxa uu amaanay horumarka ay sameeyeen Jaaliyada reer Columbus ee dhanka Ganacsiga, Waxbarashada, muujinta sida dadka Soomaaliyeed u yihiin dad wax soo saar iyo sida ay ugu xiranyihiin dalkoodii oo ay kaga qeyb qaataan wax walba oo kaga soo aadaa, dhanka dhaqaalaha, Siyaasada iyo horumarka .

Jaaliyadda ayuu ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan dalkooda isla markaana xiliyada fasaxa iyo waqtiyo fiicanba ay dalkooda ku soo qaataan si ay wax baddan uga ogaadaan xaalada dalkooda iyo is badalka la hiigsanayo.

Waxa uu safiir Ali tagi doonaa dhamaan goboladda ay Soomaalidu dagantahay ee Mareykanka isaga oo ka shaqeyn doona isku xirka Jaaliyadda lafteeda iyo safaaraada.

Xubnihii Jaaliyadda ee ka hadlay waxa ay safiirka ku booriyeen in la adkeeyo Ilaalinta sharafta iyo Karaamada Ummadda Soomaaliyeed oo ay Safaaradu u taagantahay matalaadooda.

Waa markii ugu horeysay oo uu safiirku la kulmo Jaaliyadda tan iyo intii la soo magacaabay labo bil ka hor isaga oo sii wadi doona kulamadiisa.