Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo si wadajira u beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada

0
Tuesday November 26, 2019 - 14:55:02 in by salman abdi
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo si wadajira u beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada

    Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo si wadajira u beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo si wadajira u beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada
Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda federalka Soomaaliya ayaa beenisay war la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada oo sheegayay in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan.Hay'addu waxay caddeysay in sawirada la baahiyey ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan Sal iyo raad toona laheyn.

Si lamid ah,  hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland, ayaa sidoo kale beeniyay warkaas, iyadoo sheegtay inaanu garanayn cidda warkaas been abuurka ah lagasoo xigtay.

Agaasimaha hay'addaas Maxamed Cabdi Faarax Qamdi oo ay la xidhiidhtay Hiraan Online, ayaa u sheegay inaanu jirin wax culays ah oo xilligaan lagusoo rogay macalimiinta ajaanibta ee sida sharciga ah ku jooga gudaha Puntland.


Puntland ayaa kamid ah meelaha ay ku badan yihiin macalimiinta ajaanibta ee ka yimaada wadamada, Kenya, Uganda, Masar iyo Eeshiyaanka, kuwaas oo barayaal ka ah jaamacaddaha iyo xarumaha kale ee waxbarashada.