Xukuumad Somaliland Oo Xabsiga dhigtay Sagaal ruux oo u dhashay Wadanka Isku-Tagga Imaaraadka Carabta

0
Tuesday November 26, 2019 - 15:22:52 in by salman abdi
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumad Somaliland Oo Xabsiga dhigtay Sagaal ruux oo u dhashay Wadanka Isku-Tagga Imaaraadka Carabta

    Xukuumad Somaliland Oo Xabsiga dhigtay Sagaal ruux oo u dhashay Wadanka Isku-Tagga Imaaraadka Carabta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumad Somaliland Oo Xabsiga dhigtay Sagaal ruux oo u dhashay Wadanka Isku-Tagga Imaaraadka Carabta

Ciidamada Somaliland ayaa saakay Xabsiga dhiggay Sagaal ruux oo u dhashay dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la sheegay in ay si shari darro ah u Ugaarsanayeen.

 

 

 
 
Raggaan ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee nagaalada Hargeysa ,iyaga oo ku sii jeeday dalkooda, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga u gaar sanayeen deegaannada Soomaaliland.

 

 

Raggan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka Maroodi-Jeex oo ah halka ay ku Ugaarsanayeen markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse waxaa la ogaaday in ay si sharci darro ah u ugaadhsanayaan.

 

Soomaaliland ayaa horay deegaanneeda uga erisay Kalluumeysato iyo Shaqaalo Ajnabi ah, kuwaas oo ay sheegeen in si sharci darro ah ay ku joogeen deegaannada Soomaaliland ,iyaga oo sidoo kale ku amray Ajaanibta ku sugan inay isa-soo diiwaan geliyaan.