Baarlamaanka Soomaaliya oo laga hor akhriyay sharciga Doorashooyinka Qaranka

0
Wednesday November 27, 2019 - 19:47:28 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo laga hor akhriyay sharciga Doorashooyinka Qaranka

    Baarlamaanka Soomaaliya oo laga hor akhriyay sharciga Doorashooyinka Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Soomaaliya oo laga hor akhriyay sharciga Doorashooyinka Qaranka

Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaannada Labada Aqal ayaa maanta laga hor akhriyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

 

 

 

Waxaa dhawaan sharciga diyaarintiisa soo gabagabeeyay Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka,guddigaas oo ka koobnaa 15 Xubnood oo laga soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka.

 

Warbixinta Guddigan oo ee laga hor akhriyay Baarlamaanka ayaa waxaa latashiyo kala duwan lagala sameeyay Dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dhammaan warbixinta ku cadaa natiijada kulamada Guddiga soo waday ee la xiriiray la tashiyada sharcigan.

Marka la eego Warbixinta waxaa ku jiray qoddobo guddigu wax ka badal ku sameeyeen, waxaana ka mid ahaa in guddigu uu meesha ka saaray hannaanka doorashada ee nidaamka Metelaada isu dheeli tiran ee Liiska xiran (Proportional representation closed list), kaasoo ahaa mid dhaliyay doodo kala duwan, gaar ahana sida la isku waafajin karo awood qeybsiga 4.5.

 

Sharcigaan ayaa waxaa ku qoran in Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay dooranayaan Shacabka, halka Baarlamaanka Labada Gole ay dooranayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, si waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka, sida uu qabo qodobka 89aad ee Dastuurka.

Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ayaa meesha ka saaray qodobkii ahaa in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga hela kuraasta ugu badan Aqlabiyada Baarlamaanka ayaa ku guuleystay Jagada Madaxweynaha.

Guddiga ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku imaanayo nidaam Baarlamaani ah, waxaana kulan wadajir ah ku dooranaya Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .