Guddiga culimada Puntland ee gacanta ku haya wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo iska fogeeyay musuq maasuq

0
Thursday November 28, 2019 - 11:40:06 in by salman abdi
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga culimada Puntland ee gacanta ku haya wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo iska fogeeyay musuq maasuq

    Guddiga culimada Puntland ee gacanta ku haya wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo iska fogeeyay musuq maasuq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga culimada Puntland ee gacanta ku haya wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo iska fogeeyay musuq maasuq Guddiga culimada Puntland ee gacanta ku haya dhismaha wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo, ayaa iska fogeeyay musuq maasuq ku saabsan inay lunsadeen qeybo kamid ah dhaqaalihii loogu talo galay dhismaha wadadaas.

 

Guddigaan oo shalay looga yeeray kalfadhiga barlamaanka Puntland ayaa eedaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo kalsoonidooda lagu dhaawacayo iyagoo barlamaanka usoo bandhigay sida loo maareeyay dhaqaalihii ku baxay dhismaha wadada.

Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka ayaa ku eedeeyay guddigaan in 30% kamid ah dhaqaalaha wadada loogu talo galay in loo isticmaalay dano gaar ah, sidoo kalena gaadiidkii lasoo iibiyay wadada uusan gacanta dowladda ku jirin.

Sheikh Fu'aad aflow oo kamid ah guddigaan ayaa barlamaanka u sheegay in madaxda maamulka hadda jira iyo maamulkii ka horeeyayba ay u gudbiyeen in lagala wareego masuuliyada ay hayaan balse ay diideen, wuxuu kaloo sheegay dowladdu in aysan soo dirsan hanti dhowraheeda si uu ula socdo habka wax loo maamulayo.

Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo kamid ahayd qorshihii madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas, ayaan weli lagu guulaysan in la dhameystiro, inkastoo hadda meel fiican ay marayso.

Inta la ogyahay waxaa ku baxday malaayiin dollar oo ka yimid gacanta maamulka iyo taageerada shacabka, waxaana xusid mudan in bil walba xarumaha waxbarashada iyo ganacsiga la dul saaray qidmad lacageed oo u gaar ah taakulada dhismaha wadadan.

Wadadaan oo dhismaha wajigeeda hore uu yahay 90 km oo laami ah, haddii la dhameystiro wuxuu ahaandoonaa mashruucii ugu balaarnaa ee lagu dhiso hab isku tashi bulsho ah.