Shir ay lahaayeen dowladdaha Africa iyo Talyaaniga oo la soo gabagabeeyay

0
Thursday November 28, 2019 - 11:46:31 in by salman abdi
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir ay lahaayeen dowladdaha Africa iyo Talyaaniga oo la soo gabagabeeyay

    Shir ay lahaayeen dowladdaha Africa iyo Talyaaniga oo la soo gabagabeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ay lahaayeen dowladdaha Africa iyo Talyaaniga oo la soo gabagabeeyay

Shirkii u dhexeeyay Dowladaha Afrika iyo Talyaaniga oo ay Soomaaliyan kujirto ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,iyadoo Soomaaliya uu u matalayay wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi.

 

 

 
 
Mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday shirkan oo loogu magac daray (Afrika & Italt Business Week) ayaa diiradda lagu saarayay sidii wadamada Talyaaniga iyo Afrika ay isaga kaashan lahaayeen ganacsiga Dalxiiska Soomaaliyana ay kujirto.

 

Wasiirka Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dhinaca dowladda Soomaaliya ku matalayay shirka ayaa soo bandhigay fursadaha dhanka ganacsiga Dalxiiska ee kajira Soomaaliya,maadaama dalka uu haatan ka soo kabanayo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka.

 

Sidoo kale waxaa wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu kulamo gooni gooni ah uu la yeeshey qaar kamid ah madaxdii ka qeybgashey shirkaasi,waxaana kamid ahayd wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re ) oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo in dowladda Talyaanigu ay taageerto qorshayaal lagu horumarinayo warbaahinta dalka.

Khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkaasi ayuu wasiirku ku ammaanay dowladda Talyaaniga sida ay dhabarka ugu ridatay martigelinta muhaajiriinta Afrikaanka ah,kuwaasi oo dalkaasi galaya,iyagoo ka gudbaya badda Mediterraneanka ee isku xirta dalalka Afrika iyo Qaaradda Yurub.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada galaangalka ku leh taageerada Soomaaliya,waxaana jira xiriir soo jireen ah oo ka dhexeeya labada dowladood,taasi oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay ka faa’ideysankarto barnaamijyadan horumarinta ganacsiga Dalxiiska.