Beesha caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

0
Thursday November 28, 2019 - 16:03:34 in by salman abdi
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

    Beesha caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada Beesha caalamka ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay abuuraan is-afgarad siyaasadeed oo suurto galinaya in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo sanadka 2020-ka.

Midowga Afrika, EU, UN iyo Mareykanka oo ah saaxiibada dhow ee soomaaliya waxay soo dhoweeyeen shirkii dhowaan dhex maray Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.

Waxay sidoo kale soo dhoweeyeen wada-tashiyada u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo inka badan 50 xisbi siyaasadeed, taasoo ah tallaabo wanaagsan oo lagu dhiirrigelinayo wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashada 2020-ka.

Daneenayaasha Soomaaliya waxay dhiirrigeliyeen wada shaqayn buuxda oo dhex marta dowlad federalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, si loo gaaro doorashooyin ku dhaca si nabad ah, xor ah, caddaalad ah, hufan oo la isku halleyn karo.