Madaxweyne Farmaajo oo shir uga qeybgalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

0
Friday November 29, 2019 - 13:25:18 in by salman abdi
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo shir uga qeybgalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

    Madaxweyne Farmaajo oo shir uga qeybgalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo shir uga qeybgalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedka Urur gobolleedka IGAD, waxaana shirkan dhinaca Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 
 
Shirkan ayaa diirada lagu saaraya xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo Nabad Galyada.

 

Madaxda IGAD ayaa inta uu shirku socda iska xog wareysan doona qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo Waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Shirkaas,isaga oo diiradda ku saari doono aragti siyaasadeed oo wanaagsan iyo warbixino ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Inta shirka lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya shirka.