Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax miino lagu dilay

0
Wednesday December 04, 2019 - 16:30:58 in by salman abdi
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax miino lagu dilay

    Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax miino lagu dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax miino lagu dilay

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhaw qarax miino lagu dilay guddoomiyihii degmada Awdheegle oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yaroow

Warkan arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo shegay in qarax miino ee lagu dilay guddoomiyaha uu ka dhacay isla gudaha degmada Awdheegle.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa tagay oo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira dilka gudoomiyaha.

ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka guddoomiyaha hasse ahaatee Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay gobolka waxaa ay ku bartilmaameedsadeen mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.