Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh Xisbiga WADDANI Oo Ka Walaacsan Xaalada Xisbiga WADDANI Iyo Dareenada Ku Ladhan

0
Wednesday December 04, 2019 - 16:33:03 in by salman abdi
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh Xisbiga WADDANI Oo Ka Walaacsan Xaalada Xisbiga WADDANI Iyo Dareenada Ku Ladhan

    Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh Xisbiga WADDANI Oo Ka Walaacsan Xaalada Xisbiga WADDANI Iyo Dareenada Ku Ladhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh Xisbiga WADDANI Oo Ka Walaacsan Xaalada Xisbiga WADDANI Iyo Dareenada Ku Ladhan

Inkasta oo aanan arag Muniir Axmed Cigaal meel uu ka hadlay amma ku cadeeyay inuu khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxda Xisbiga Waddani gaar ahaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaji Xasan oo ay Saxiib dhaw ahayeen Muniir haddana waxa jirtay dhawaan Muniir Axmed Cigaal inuu faafiyay qoraal kooban oo uu ku sheegayo inuu ka gaabsanayo ka hadalka Siyaasadda wadankiisan Somaliland taas oo ku dareen siinaysa in shaki dhanka kalsoonidaahi soo kala dhex galay Muniir iyo Xisbigiisa waddani, taas oo aynaan inagu ogaan karin maadaamda oo aanay debadda u soo bixin.

Ninka yaqaan dabeecada qofeed iyo hab- dhaqankiiba siyaasadeed Muniir Axmed Cigaal caad kama saarna sababta ka danbaysa inuu Muniir ka gaabsado ka hadalka taageero ufidinta qorshaha xisbigiisa weliba xilli hiilkiisa uu xisbigiisii ubaahan yahay qof ahaan iyo degaan ahaan laakiinse waa talaabo ka dhigan " inay luntay kalsoonidii uu shalay gar iyo gardaroba uu ku raacaay Xisbiga Waddani

Khilaaf siyaasadeed ee Xisbiyada Somaliland iyo doorashada ee xilligan ka daagan waa mid siyaasi kasta ku dhiirigelinaysa inuu door muuqda ka ciyaaro xaaladuu kujiro xisbigiisu .

Muniir Axmed Cigaal muddadii uu Xisbiga waddani ku jiray waxaa lagu xasuustaa doorkii firfircoonaa ee uu kaciyaaray inuu xisbigu cod badan helo Doorashadii dalka kadhacday iyo kaalintii uu kulaha abaabulkii shacabka iyo ololihii xisbiga Waddani doorashadii 2017 waxaase iska cad muniir axmed Cigaal inuu xayndaabka Waddani kajooga debedda iyadoo aan laga saarin xisbigiisa, waxaase lagayaaba inuu Mawqifkiisa dhawaan ka badheedho sidii Faadumo Siiciid, halka Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu siyaasiyiinta miisanka leh ee Xisbigiisa ka baxaysa uu kaga dareen celinaayay magacabiso layaab leh oo ummad badan ka anfariirtay kuwaas oo ay ugu danbeyeen Boqor Faysal iyo Osmaan Omar Dool.

Haddiiba ay dhacdo inuu kaboxo Waddani waxaan saadaalinkaraa inuu ku qasban yahay inuu toos ugu biiro Xisbiga deegaankiisu codka siiyo ee KULMIYYE

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani waa xisbi qaran oo laciirciiraya Siyaasiyiin aan buuq mooyiye koob bigaysa caadaynkaraynin Xisbiga balse geesta kale ku fiican " in xisbiga looga yaaco mooyiye, qof xisbigu ubaahan yahay aan soo biirinkarin, hadii xaalka Xisbiga Waddani sidaa kusii socdana waa shax kale oo ifafaale u ah qalbi jab ay lakawsadaan kuwa rajada kaqaba hogaaminta Cabdiraxmaan Cirro iyadoo la ogyahay xisbiga Waddani in aanu weli kasoo kabanin dawakhii laba sanno kasoo gaadhay guuldaradii Doorashadii Madaxtooyada JSL .


 

 


WQ/Cabdisataar Sabri