Madaxweyne biixi Oo Axadda Berri La Balansan Ergadii Dhexdhexaadinta Iyo Shacabka Oo U Dheg Taagaya Natiijada

0
Saturday December 07, 2019 - 15:49:13 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne biixi Oo Axadda Berri La Balansan Ergadii Dhexdhexaadinta Iyo Shacabka Oo U Dheg Taagaya Natiijada

    Madaxweyne biixi Oo Axadda Berri La Balansan Ergadii Dhexdhexaadinta Iyo Shacabka Oo U Dheg Taagaya Natiijada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne biixi Oo Axadda Berri La Balansan Ergadii Dhexdhexaadinta Iyo Shacabka Oo U Dheg Taagaya Natiijada

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu Axadda beri qaabilo ergadii dhexdhexaadinta ka dhex waday isaga iyo madaxda xisbiyada mucaaradka.

Warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ergada oo ka kooban ganacsato iyo culimo ay Axadda beri la kulmayso Madaxweyne Biixi, waana kulankii u horeeyay ee dhex mara ergada iyo Madaxweynaha tan iyo markii ay ergadu ku guulaysatay inay soo dayso siyaasiyiintii ka xidhnaa xisbiga Waddani.

Waxa la filayaa in ergadu ka dhagaysato Madaxweyne Biixi mawqifkiisa, iyagoo hore u soo dhagaystay mawqifka xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani. Lama garanayo in ergadu isla axadda beri soo saari doonto qodobada ay ku soo gunaanadayaan khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan ee ay dhexdhexaadinta ka galeen iyo inay maalmo ku qaadan doonto inay natiijo soo saaraan.

Hase yeeshee shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya ergada iyo go’aamada ay soo saaraan, iyadoo ay ergadu markii ay soo daystay siyaasiyiinta Waddani dejisay xiisadii siyaasadeed.

Waxase intii ay dhexdhexaadinta ku jireen ergadu, ay guddiga doorashadu iska dhex doorteen guddoomiye, iyadoo uu ka maqanyahay xubintii xisbiga Waddani oo uu xisbigu dib ula laabtay.