Shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka oo ka furmay dalka Qatar

0
Monday December 09, 2019 - 13:44:56 in by salman abdi
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka oo ka furmay dalka Qatar

    Shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka oo ka furmay dalka Qatar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka oo ka furmay dalka Qatar

Magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar waxaa maanta ka furmay shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkan looga hadlayo dagaalanka Musuq Maasuqa.

 

 

 

Shirka waxaa isla shir-guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

 

 

Soomaaliya waxaa Shirkan uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Shirka oo socon doonno maalmaha 9 iyo 10 Diseembar 2019 ayaa sidoo kale la filayaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu la kulmo madaxda kale ee ka qeyb-galeysa shirkaas.