Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo baaq u diray dhalinyarada Soomaaliya

0
Tuesday December 10, 2019 - 13:33:24 in by salman abdi
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo baaq u diray dhalinyarada Soomaaliya

    Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo baaq u diray dhalinyarada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo baaq u diray dhalinyarada Soomaaliya
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliya inay sii amba-qaadaan horumarka la gaaray ilaa iyo hadda ee lagu dhowrayo xuquuqul insaanka oo bulshadooda u ah asaas muhiim ah.

 

"Kor-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha waa arrin muhiim u ah geeddiga uu dalku ugu jiro gaarista nabad iyo xasillooni. Soomaaliya horumar ayey ka sameysay dhankaas. Iyadoo dhalinyaradu ay yihiin dadka ugu tirada badan dalka, waxaa mas’uuliyad ka saarantahay inay xaqiijiyaan in bulshada Soomaaliyeed ay ku socoto tubtaas," ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

"Waxaan ku dhiiri-gelinayaa dhalinyarada inay u doodaan xuquuqdooda iyo xuquuqda dadka kale. Waxaan rajaynaynaa in -- iyagoo kaashanaya dadka Soomaaliyeed ee leh da’ kasta iyo qaab nololeed kasta – ay dhisi karaan mustaqbal wanaagsan, " ayuu raaciyay.

Sida ay sheegeyso qiyaasta, dadka da’doodu ka yartahay 30 sano ayaa u dhigma saddex meelood laba meel kabadan ee dadka Soomaaliyeed – taas oo Soomaaliya ka dhigeysa mid kamid ah deegaanada ugu dhalinyarada badan aduunka.

Dunida oo dhan ayaa maanta looga dabaal-degayaa maalinta Xuquuqul Insaanka, waxaana xuskeeda uu bilowday sanadkii 1948, kadib markii golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.

Hal-kudhigga dabaal-degga sanadkan ayaa ah ‘Dhalinyaro u Taagan Difaaca Xuquuqul Insaanka.’ Waxaa ujeeddadu tahay in lagu iftiimiyo awooda ay dhalinyaradu u leeyihiin inay noqdaan qakiilo wax dhisa oo is-bedel keena, [waxaa kale oo loola jeedaa] in lagu xoojiyo codadkooda.

Qaramada Midoobay ayaa dhiiri-gelisay tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka ah sanadkan ee ay ku kordhinayso difaaca xuquuqul insaanka ayna ku ilaalinayso waajibaadka caalamiga ah ee saaran.

Tilaabooyinkaas waxaa ka mid ah dib-ula-hawlgellida ay Dowladdu dib ula hawl-gashay hay’adaha iyo hababka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka sida Golaha Xuquuqul Insaanka, ansixinta Heshiiska Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba, iyo meel marintii Axdiga Haweenka ee Soomaaliya.