Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

0
Saturday December 14, 2019 - 13:39:53 in by salman abdi
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

    Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa ayaa la filayaa in ay su’aalo weydiiyaan guddiga madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

 

 

Maalmihii ugu danbeeyayba xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeelanayay warbixin guddiga Doorashooyinka ay u gudbiyeen Golaha, waxaana dooddaasi ay dhalisay in xildhibaannada qaar dhaliil xoog leh u jeediyaan guddiga soo diyaariyay warbixinta.

 

Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhinaca kale ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalkan marnaba aysan ka dhici karin doorasho Qof Cod ah iyadoo la eegayo daruufaha ku harreereysay qabsoomada doorasho noocaa oo kale ah.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadis uga imanaya beesha caalamka oo ku wargaliyay in looga fadhiyo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka xukuumadda hadda jirta.