Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ka qeybgalaya kulanka madasha Doxa oo maanta furmay
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre Wafdi uu horkacayo ayaa ka qayb galaya kulanka madasha Dooxa oo maanta furmay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Qafar ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis wanaagsan iyo gacan saar hoose oo sii xoogeystay tan iyo wixii ka danbeeyay go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafkii Khaliijka ee lagu go'doomiyay dalka Qatar, waxaana ay taasi horseeday in ay isa-seegaan Soomaaliya Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka mid aheyd wadamada ugu badan ee taageerrada dhinacyada kala duwan siiya Soomaaliya.
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ka qeybgalaya kulanka madasha Doxa oo maanta furmay
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ka qeybgalaya kulanka madasha Doxa oo maanta furmay