Qaramada Midoobay Oo Maalmaha Fasaxa Ee Sannadka 2020 Ku Dartay Maalinta 18 May Ee Qaranimada Somaliland

0
Saturday December 14, 2019 - 14:07:25 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Maalmaha Fasaxa Ee Sannadka 2020 Ku Dartay Maalinta 18 May Ee Qaranimada Somaliland

    Qaramada Midoobay Oo Maalmaha Fasaxa Ee Sannadka 2020 Ku Dartay Maalinta 18 May Ee Qaranimada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Maalmaha Fasaxa Ee Sannadka 2020 Ku Dartay Maalinta 18 May Ee Qaranimada Somaliland

Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa maalmaha fasaxa sannadka 2020 ee shaqaalaha ku daray maalinta 18 May ee la soo noqoshada Qaranimada Somaliland.

Xafiiska UNSOM ayaa waraaq rasmi ah oo ku taariikhaysan 9 December 2019, oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika arkay, wuxuu u kala diray shaqaalaha ku sugan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay warqadaas ku soo bandhigeen fasaxyada rasmiga ah ee shaqaalaha Qaramada Midoobay ee sannadkan.

Fasaxyada sannadkan 2020, waxa ku jirta 18 May oo ah maalinta la soo noqoshada Qaranimada Somaliland, waxaana fasax ahaan doona shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland oo keliya. "(18 May Independence day (Somaliland only).” Ayay warqadu u qorantahay.

26 June oo ah maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, waxa iyana fasax ahaan doona shaqaalaha Somaliland iyo Soomaaliya oo aanay ku jirin kuwa Puntland, sida warqada ku xusan.

Maalinta 1-da July oo ah maalintii ay Midoobeen Somaliland iyo Soomaaliya waxa fasax ahaan doona shaqaalaha ku sugan Soomaaliya oo ay Puntland ku jirto.