Beesha Arab oo Faro-madhan Ka Jooga Saamiggii Xukuumaddeed ee Madaxweyne Biixi!

0
Sunday December 15, 2019 - 09:59:32 in by salman abdi
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Arab oo Faro-madhan Ka Jooga Saamiggii Xukuumaddeed ee Madaxweyne Biixi!

    Beesha Arab oo Faro-madhan Ka Jooga Saamiggii Xukuumaddeed ee Madaxweyne Biixi!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Arab oo Faro-madhan Ka Jooga Saamiggii Xukuumaddeed ee Madaxweyne Biixi!
Beelaha Arab Sheekh Isaxaaq oo ka mida beelaha waa wayn ee reer Somaliland, isla markaanna ah beeshii u jilib-dhigtay ee deegaannadeeda ku marti-gelisay Halgankii hubaysnaa ee dib ula soo noqoshadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Farro madhan ka joogta Saamiggii ay ku lahaayeen Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, maaddaama oo dawladnimadda Somaliland ay ku dhisan tahay heshiis ay beelaha Somaliland ku heshiiyeen oo ahaa in si siman loo qaybsaddo dhismaha dawladdeed, isla markaanna la ilaaliyo isku dheellitirka Kurraasta Xukuumadda, Hay'addaha kale ee ka farcama iyo dawladdaha hoose intabba.

 

Image result for muuse biixi cabdi
Lis Dairy


Waxaase muuqata oo aan murran ku jirin in tobankii sannadood ee u danbeeyay uu is beddel wayni ku yimid Saamiggii iyo wax qaybsigii beelaha ku dhaqan Soomaalilaand, iyaddoo ay Xukuumaddihii u kala danbeeyay hoggaaminta dalka ee Xisbiga KULMIYE ay hannaankaas ka leexdeen, isla markaanna ka door biddeen qarraabo-kiil, eex iyo sedbursiimo aan gabasho lahayn oo Madaxweynaha hadda joogga iyo Madaxweynihii ka horreeyay-ba u sameeyeen beelaha ay ka soo kala jeeddeen, taasoo Ceeb iyo Fool-xumo ku ah Wada-jirka, Midnimadda iyo wax qaybsigii ay heshiiska ku ahaayeen beelaha wada degga Somaliland. Sidoo kalenna, waa hab-dhaqan taban oo la hubbo inaanay Somaliland ku tannaadayn horenna ugu, soconayn Siyaasaddaas gurracan ee uu wali dariiqeedda hayo Madaxweynaha hadda gacanta ku haya taladda iyo hoggaaminta ummadda Somaliland Muuse Biixi.

Haddaba, beelaha Arab Sheekh Isaxaaq oo ka mida beelaha ku dhaqan Somaliland, gaar ahaanna Caasimadda Hargeisa iyo deegaannada ku xeerran waxa cad oo aan la dafirri karin in laga tirtirray oo qorshahabba laga saarray Saamiggii Xukuumaddeed ee ay lahaayeen, taasoo la odhan karro waxa u sabab ah talo xummaanta iyo tafarraaruqa dhexdoodda ka jira, waxaanna muuqata inaanay faham wanaagsan u lahayn siyaasadda ku dayga ah ee uu kula dhaqmaayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Beelaha Arab Sheekh Isaxaaq inay fahmi karri waayaan dagaalka siyaasaddeed ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxa u sabab ah doorkii iyo kaallintii ay lahaayeen Madax-dhaqmeedka beelahaasi oo meesha ka baxay, kadib markii ay noqdeen dhadhamo raac, isla markaanna shaqaddoodii noqotay inay isku hawlaan danahoodda gaarka ah iyo hadba meeshii ay wax ugu jiraaan. Hoggaanka dhaqanka ee beelaha Arab waxay lumiyeen wada-jirkii iyo ku adkaantii danaha beesha Arab, iskabba daa inay ku adkaaddaane xitaa iyagaan Sallaanta Waajibka ah iska qaaddin, kamanna dhaxayso Wada-tashi iyo xidhiidh joogto ah oo ay kaga arrinsannayaan danaha iyo arrimaha khuseeya beesha Arab ee ay Madax-dhaqmeedka u yihiin, waanna sababta keenay in beesha Arab saamiggii ay Xukuumadda ku lahayn la duudsiyo. Sidoo kalenna, laga tirtirro Maamulkii gobolka Marroodi-jeex, Garsoorkii iyo dawladdaha hoose.

Si kastaba ahaatee, Hoggaanka dhaqanka ee beesha Arab, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo dhallinyaradda beel-weynta Arab waxa la gudboon inaanay qaaddan Cad quudheed iyo wax aaan u qalmayn meeqaamkoodda, isla markaanna aannay Indhaha ka qarsan dawladdnimaddii ay dhiiggoodda u shubbeen in hadba Madaxweyne xaarraan ah oo qabyaalad lagu soo doortay aannu uga faa'iiddayn Qoyskiisa, Xididkiisa iyo Qabiilkiisa.